Sunday, June 8, 2014

Ciidamada Badda Talyaaniga Oo Badbaadiyey Dooni ay Saarnaayeen 2500-qof Oo Badda ku Silicsanaa

Lampedusa:June,08,2014(Himilo)-Waxa Qiyaastii Ciidanka Badda Talyaanigu 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay Xeebaha dalkaas ka Badbaadiyeen ugu yaraan 2,500,oo tahriibiyaala doonayay in ay gaadhaan dalalka.

buufiDadkan ayaa  waxa laga soo Badbaadiyey iyagoo Bayhoofaya Badda Mediterrean-ka,gaar dhanka jaziirada koonfurta dalka talyaaniga ku taala ee la yiraahdo Lampedusa.

Tahriibiyaasha saaran doonida la badbaadiyay,ayaa la sheegay in ay si xad dhaaf ah ay dadka usaarnaayeen,taasoo xitaa laga baqayay in ay qalibanto markii markaabiita wax badbaadisaa ku soo dhawaadeen.

Dadka saaran doonida ayaa waxaa ay iskugu jireen 200,oo dumar ah,iyo 160 carruur ah, waxana la sheegayaa inay intooda badani yihiin soomaali.

Howlgal ay ciidanka bada dalka talyaaniga ay ugu magacdareen,Mare Nostrum,ayaa dhowkii bilood ee lasoo dhaafay lagu badbaadiyay muhaajiriin badan oo ka soo cararay dalal ay dhibaato dagaal,ay ka taagan yihiin sida wadamada Somaliya,iyo dalka Suriya ,iyo kuwo kale.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment