Sunday, June 8, 2014

Hoggaamiiyeyaasha Axsaabta Siyaasadda Oo Farta ku Fiiqay Caqabado ku Gedaaman nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Maamulka Dawladnimo ee Somaliland




Weerarkii Faysal Cali Waraabe, Is-difaacii Muuse Biixi iyo Is-gaabintii Cabdiraxmaan-Cirro


 


“Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay hal mar inuu codeeyo oo diiwaangelintii hore waa tii innaga xumaatay. Waxaan isleeyahay sababtii ay inooga xumaatay, cid waliba meel bay ku lahayd” – Cabdiraxmaan-Cirro


 “Waana dhab Xisbiyadu qabyaalad bay ku dhisan yihiin, waanaynu isla qirsanahay qabyaaladdu inaanay ina anfacayn, haddana…” – Muuse Biixi Cabdi


 “Waynu ognahay Axsaabteennu waxay ku dhisan yihiin beelo is-gaashan-buuraystay oo foodka meel wada-mariya. Taasi waxay keenaysaa in Axsaabtu ay ka baxdo inay…” – Faysal Cali Warabe


  


 Hargeysa, 08 June, 2014 (Himilo)- Saddexda Xisbi-Qaran ee Somaliland, ayaa dareenno isku-dhow ka muujiyey caqabadaha ku gedaamin dimuqraadiyadda iyo hannaanka Axsaabta badan ee hoggaaminta siyaasiga ah ee dalka, waxaanay carrabka ku adkeeyey jiritaanka turun-turrooyin qabyaaladdu ka mid tahay oo saamayn taban ku leh nidaamka dawladenimo ee ka jira Somaliland.


HOGGAAMIYEYAALGuddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxa ay dhinacyo kala duwan ka iftiimiyeen heerarka kala duwan ee geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalku soo maray iyo sababaha weli hortaagan suulinta caqabadaha qabyaaladdu ku leedahay axsaabta iyo hoggaaminta talada dalka.


Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbiga Qaran oo shalay hadallo ka jeediyey munaasibad ay soo-qaban-qaabisay Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo bandhigay natiijada daraasad in muddo ah ka socotay gobollada dalka, ayaa


GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI         


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa sheegay in Somaliland ku guulaysatay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda balse ay jiraan caqado ku gedaaman oo uu sheegay in lagaga bixi karo iyada oo la  hirgeliyo waxyaabaha horseedka u ah dhammaystirkeeda, kuwaas oo ka tilmaamay inay ka mid yihiinn doorasho xilligeeda ku qabsoonta iyo diiwaan-gelinta muwaadiniinta codkooda dhiibanaya oo layska kaashado dhammeystirkeeda. 


“Waxaan isleeyahay, Somaliland hannaanka Dimuqraaddiga ah way ku guulaysatay oo waxay samaysatay hannaanka axsaabta badan. Caqabaduhu way iska jiri karaan, laakiin si aanu hannaankaasi u kala go’in, waxa loo baahan yahay in doorashooyinkuna ay noqdaan kuwo wakhtigooda lagu qabto.


Waxaan rejaynayaa, si hannaankaasi inoogu wanaagsanaado oo isbeddelkuna si dimuqraaddi ah u yimaaddo, marka diiwaan-gelinta aynu ka wada-shaqayno oo suurto-gelino, waxaanan rumaysanahay haddii aynu ka wada-shaqayno, inaynu ku guulaysanno diiwaangelinta. Markaynu diiwaan-gelinno dadka codeynaya, doorashaduna way hawl-yar tahay inaynu qabanno,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.


Md Cabdiraxmana Cirro waxa uu sababeyey goldaloolooyinkii ka soo baxay diiwaan-gelintii hore ee lagu galay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dabayaaqada sannadkii 2012 ka qabsontay dalka, waxaanu ku dooday diiwaangelinta doorashooyinka soo socda oo wakhtigeeda lagu qabto inay dhiirri-gelinayso jiritaanka dimuqraadiyadda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay hal mar inuu codeeyo oo diiwaangelintii hore waa tii innaga xumaatay. Waxaan isleeyahay sababtii ay inooga xumaatay, cid waliba meel bay ku lahayd, markaa waxaynu doonaynaa tanina inaanay innaga xumaanin sidii tii hore, adduun badanina wuu innagaga baxay, tan-na wuu innagaga baxayaa. Markaa in la qabto, waxaan isleeyahay dimuqraadiyadda laftigeeda waxay u tahay dhiirri-gelin,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.


GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID


 Md Faysal Cali Waraabe waxa uu qiray qabyaaladdu inay saamayn weyn ku leedahay nidaamka dimuqraadiyadeed iyo Axsaabta qaranka, waxaanu soo jeediyey in talo-wadaag iyo arrin loo dhan yahay lagaga hortago saamaynta ay ku leedahay Axsaabta Qaranka.


Haseyeesehee waxa uu Faysal Cali Waraabe masuuliyadda ku-dhaqanka qabyaaladda dusha ka saaray Madaxda dalka oo uu ku eedeeyey in hab-dhaqankoodu dhiirri-geliyo isticmaalkeeda. “Qabyaaladdu saamaynta ay ku leedahay Axsaabta siyaasadda waa arrin u baahan in laga baaraan-dego, sidii loo yarayn lahaana laga tashado. Arrintaasi waxay noqotay lagdan wayn oo ka dhexeeya Habkii aynu noolayn ee Qabiilka iyo siyaasadda Cusub Axsaabta ah ee aynu qaadanney. Way  jirtay mar aynu ka adkaannay oo beerka ka fuulnay qabyaaladda, laakiin immika waxaad mooddaa inay iyadu beerka innaga fuushay, mana yaraanayso saamaynta qabyaaladdu innagu leedahay ilaa madaxda Sare ay iyagu arrintaas ka baxdo. Waxaad mooddaa in madaxda sare ay iyagu Naaxinayaan Qabiilka, markaa ilaa ay Xukuumaddu ka baxdo Qabiilka, yaraan-mayso qabyaaladdu,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Waynu ognahay Axsaabteennu waxay ku dhisan yihiin beelo is-gaashan-buuraystay oo foodka meel wada-mariya. Taasi waxay keenaysaa in Axsaabtu ay ka baxdo inay ku tartanto ballan-qaadyo iyo barnaamij.”


Faysal oo Xukuumadda dhaliilay


“Qabyaaladdu maanta halkay marayso, berigii hore Seenyo ayay lahayde hadda geeso ayay yeelatay, waxaynu u baahannay in aynu geesaha ka jarno oo waliba dawladdu ka jarto. Maanta Wasiirrada dawladda wada ma wasiir Qaranbaa mise waa wasiir Qabyaaladeed, hadduu Kooras soo baxo iyo haddii shaqo soo baxdo reerkooduu siinayaa, waxay innaga kharribeen salaadiintii iyo Cuqaashii, lacagbaa la siinayaa oo hadla baa la leeyahay oo hebel caaya, taasina nidaam dawladeed maaha. Nidaam dawladnimo Somaliland wuu ka dhintay, Shanta Soomaaliyeed caydeenna iyo salaadiinteena ayay telefishannada ka daawadaan,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu si adag u dhaliilay hab-dhaqanka Xukuumadda Kulmiye iyo siyaasadda dalka ay ku maamusho, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa,  “Dawladdii Maxamed Siyaad Barre Jaamacado ayay samaysay, Af-Soomaaliga ayay Qortay, haddana waxa burburiyey caddaalad-darro, nidaam-xumo iyo sharcdigii oo laga tallaabsaday, waddadii haddaynu marno, iskadaa ictiraafe, Somaliland sannad dambe ma jirayso. Wixii Dawladdii Soomaaliya burburiyey ee qabyaaladda, caga-juglaynta iyo musuq-maasuqu ka mid ahaayeen haddaynu isticmaalno, calanyow ha-dhicin..hadhicin wax ka jirayaa ma jirto, wuu dhacayaa wallaahi.”


GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE


Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa kaga dhawaajiyey caqabado dhowr ah oo laga dhaxlay nidaamkii maamul ee qaab-beeleedka ku dhisnaa kuwaas oo uu sheegay inay saamayn yeesheen dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu soo jeediyey in dhinacyada ay arrintani khusayso iska kaashadaan sixitaanka qaladaadka ku jira.


Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Dimuqraadiyadda in kasta oo aynu wax badan ku guulaysannay, haddana way muuqataa inay wax badan innooga dhiman yihiin, wuxuna cannaan inaynu kaga baxno maahee, waxa wanaagsan qof waliba ra’yiga uu wado inuu soo bandhigo. Markaad dhinac ka eegto, dal aan la ictiraafsanayn oo muddo ku soo jiray gobonimo doon iyo jabhadeyn, dhibaatadiisa dhaqale iyo bulsho leh oo ay ka mid tahay in boqolkiiba todobaatan dadka ku nool ay da’ yar tahay oo u baahan mustaqbal, shaqo iyo nolol, haddana dimuqraadiyada iyo doorashooyin intaas kaga baxay, inaynu is-qalbi-jabinno maaha. Waa guul wayn oo aynu gaadhnay, laakiin yeynaan odhan guul baynu gaadh-naye, wixii innaga dhiman aynu isa saxno.”


“Dimuqraadiyadda Aasaaskeedu waa Qof, waayo waxa la siiyey dadku inay xilliyo go’an oo muddeysan awoodda madaxdooda ku beddelaan oo ay hubiyaan inay beddeleen dhaliilihii hore ee jiray. Markaa qofka wax dooranaya, haddaanay u caddeyn waxa uu dooranayaa oo ay ka qaldan tahay, ma hagaagayo wixii uu doortay. Xisbiyadu in badan bay soo jireen, dhibaatadooda ayay leeyihiin, dimuqraadiyadduna xanafteeda iyo xannuunkeeda ayay leedahay, ma jiro wax si dhib yar lagu helo,” ayuu yidhi Guddomiye Muuse.


Muuse Biixi Cabdi waxa uu qiray Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay Axsaabta Dalka iyo aragtiyo qallooca oo shacabku ka qabaan fahamka dimuqraadiyadda. “Qofka maanta xisbi ka diiwaan-gashan ee Fee (lacag) bixiya ee mabda’ aaminsan ee ka hirgelinayaa wuu yar yahay, waayo intaas aynu xisbiyo maqli jirnay, iyagaa lacagta loo doontaa, qofku marka uu xisbiga ku biiro wuxuu odhanayaa maxaan ka soo doonay, waana dhab Xisbiyadu qabyaalad bay ku dhisan yihiin, waanaynu isla qirsanahay qabyaaladdu inaanay ina anfacayn, haddana kama guurno, halkay sartu ka qudhunsan tahay waa halkaa, taasina way ku xidhan tahay mustaqbalka inaynu ugu talo-galno in xisbiyada mabda’ iyo fikrad lagu raaco oo laga guuro reer-reerka, laakiin waa marxalad muddo inala socon karta saamaynteedu. Waxaan qabaa qofka codka bixinayaa inuu iska hubsado marka uu codaynayo si waxa uu doonayo iyo madaxda uu doonayaa u hagaagto,” ayuu yidhi Muuse Biixi.


Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Waxyaabaha kale ee dimuqraadiyaddeena caqabadda ku ah waxa ka mid ah, waxa layska dhaadhiciyey siyaasigu waa tuug, waa beenaale, wuu kugu guurayaa, dantiisuu kugu gaadhayaa, markaa ma aamisanid, haddana waad dooranaysaa oo waad daba-socotaa, dee laba is-qabta maaha. Waxaynu u baahannahay inay aamino inay siyaasaddu tahay halka talada lagu hayo, waa halka mustaqbalka dalka looga talinayo. Haddii halkaas ay iman waayeen, dadkii Aqoonta lahaa, dadkii iimaanka lahaa, dadkii lexejeclada ka lahaa dalka, ogow talada kuu soo baxda mahadin maysid.”


Dhaliilo Xukuumadda loo jeediyey oo uu ka dareen-celiyey


Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu xukuumadda Xisbiga Kulmiye ka difaacay dhaliilo guddoomiyaha Xisbiga UCID u jeediyey Xukuumadda balse uu qaarkood ka garaabay, waxase uu ku dooday inay xisbi ahaan wax badan ka qabteen dalka balse ay jiraan waxyaabo badan oo weli wax-ka-qabashadoodu dhiman tahay.


“Dhaliilaha uu Faysal Sheegay inaynu wax ka beddelno way tahay, laakiin mid kuma raacsani.. wallaahi inaanay Somaliland sannad dambe jiraynin iyo calanyow waad dhacaysaa Illaahay innaguma keeno, waanay jiraysaa Somaliland. Waxa aad Faysaloow dhibsanaysaa waa dhab, waa dhibaatooyin inaan xallino u baahan.


Dawladdan immika jirta, Kulmiye annagaa u ceeb badan. Dadku waxay yidhaahdaan Kulmiye isagaa mucaarad iyo Muxaafid isugu jira, annaga qayladayada waad maqlaysaan, waa dimuqraadiyadda Xanuunkeeda, waa sixid, murankayaga haddii la dhegaystana ceeb maaha. Laakiin markaynu dhab u hadalno, xukuumaddaa Kulmiye ee maanta joogtaa, miyaanay dalka wax weyn ka qaban Faysalow, maanta canaantaa inaanay lahayn baan u malaynayaa, wax badan bay dalka ka tartay, wax bandanna way u dhiman yihiin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye oo la hadlayey Faysal Cali Waraabe.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment