Sunday, June 8, 2014

Maxaabiista Jeelka Berbera Oo Shoobaraysay iyo Ciidamada Ilaalada Oo Rasaas Kala Hortegay

Berbera:June,08,2014(Himilo)-Wararka laga Helayo Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in Jeelka weyn ee Magaaladaas uu Maanta ka dhacay iska horimaad kooban oo u dhexeeyey  Ciidanka Ilaalada iyo Maxaabiista Jeelka ku xaraysan.

jeelkWararka ayaa intaas ku daraya in Duhurkii Maanta ay tiro ka tirsan  Maxaabiista jeelka ku xaraysani  isku dayeen inay Halkaas ka baxsadaan, isla-markaana xoog ku jiidhaan Ciidanka ilaalada ah, balse taasi ma ay suurtogelin oo waxa  ka hor tegay ciidankii Halkaas ilaalada ka ahaa.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay rasaas badan halkaas ka rideen, taas oo ay kor u  ridayeen si ay maxaabiista ugu cabsi geliyaan,  ugana hortagaan inaanay meeshaasi ka bixin xubnihii rabshadda waday ee is lahaa goobta ka baxsada.

Arrintan ayaa salka ku Haysa sida la sheegayo Cabashooyin ay qabaan maxaabiistu, taas oo marar badan ay codsadeen balse aan dheg jalaq soo siin, waxana ay maanta ay  mudaharaadka kooban u sameeyeen sidii ay masuuliyiinta Gobolku arrintooda gacanta ula soo geli lahaayeen, isla-markaana wax looga qaban lahaa tabashadooda.

Waxyaabaha ay maxaabiistu ka cabanayaan ayaa wax aka mid ah sida la sheegayo Biyaha ay cabayaan, Goobaha Hurdada iyo Walilba Nolosha Jeelka oo aad kulayl u ah, maadaama Haatan lagu jiro xagaagii oo Magaaladu Kulayl noqotay.

 

 

xabsiga magaalda Berbera ayaa ah mid ay dhiseen dawladii Cusmaaniyiinta ee turkigu waxaanu dhisan yahay in kabadan qarni iyo badh, wax isbedela ama dayactir ahna laguma samayn Nuurad korka laga marmariyo mooyaane, waxana ay taasi ka dhigtay  Jawiga  jeelka mid aad  kulul, maadaama aanu helin dayactir iyo Dabagal kale midna.

Shacabka Berbera ayaa rasaastan maqlayey, waxana ay is weydiinayeen Sababta keentay in Hubkan la isticmaalo,  iyadoo Maanka  lagu Hayo dhacdadii dhawaan Xubno ka tirsan Maxaabiista Argagxisada ugu xidhan Jeelka Hargeysa ay iskugu dayeen inay Baxsadaan, isla-markaana ku laayeen Xubno ka tirsan ciidankii Ilaalada ahaa.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment