Tirada Dhimashada oo ilaa iyo Haatan aan si rasmi ah loo xaqiijin, ayaa lagu sheegay inay Gaadhayso ilaa iyo 50-qof intooda badani tahay dad shacab ah oo Halkaas ku noolaa.Goobaha kooxaha hubeysan ay weerarka ka geysteen ayaa la sheegayaa inay ahaayeen saldhig boolis, Bangiyo, makhaayado, xafiisyo dowladeed iyo hoteelo ku yaala magaalada Lamu ee dalka Kenya iyo Kaalmo shidaal oo dab la qabad siiyey.
Weerarka ayaa abaaro Siddeedii Habeenimo ee xalay ka dhacay saldhiga booliska ee Mpeketoni iyo goob dad rayid ah ciyaaraha adduunka ay ku daawanayeen, waxaana la sheegay in la gubay meelaha qaar oo weerarka uu ka dhacay.
Sawiro lasoo bandhigay ayaa muujinayay dhiig ku daadsan gobo barxado ah oo magaalada ku yaala, dad is dul saaran iyo dhismooyin lagu gubay weerarkaasi ka dhacay dalka Kenya.
Booliska ayaa sheegaya in kooxaha weerarka qaaday oo wajiyada ay u duubnaayeen marka hore ay qaraxyo ka geysteen saldhiga booliska ee magaalada ka hor inta aanay soo bililiqeysan hub yiilay goobta iyo gaadiidka dagaalka.
Waxaana masuuliyiinta Kenya ay ku eedeynayaan weerarkaasi inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
“waxay ahaayeen ku dhawaad 50 dagaalyahano, oo aad u hubeysnaa waxayna lulalayeen calanka Alshabaab, waxay ku qeylinayeen Soomaali iyo Allahu Akbar”sidaasi waxaa yidhi gudoomiye ku xigeenka deegaanka Weerarka uu ka dhacay Benson Maisori oo la hadlay wakaalada AFP.
Kooxaha shabaabka oo iyagu weeraro aan kala hadh lahayn ka wada Kenya, ayaan wali wax jawaab ka bixin eedda la xidhiidha weerarkan, waxana laga yaabaa inay dhawaan Jawaab ka bixin doonaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment