Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulankan ku Qabtay Aqalka Madaxtooyada, waxanna ka soo qaybgalay Hoggaanka Xisbiyada qaranka ee Saddexda ah, Hoggaanka Golaha Xukuumadda oo uu Madaxweynuhu Hoggaaminayey iyo Guddoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.Kulankan ayaa looga Gol lahaa sidii looga Arrinsan lahaa, mawqif midaysannna looga qaadan lahaa dhawaaqii Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ku sheegeen in Somaliland ka soo Baxdo Deegaanada Gobolada Bariga oo dhawaan Ciidamada Qaranku Tageen.
Kulankan ayaa si weyn loogu qaadaa-dhigay inaanay Somaliland cidna ku duulin, isla-markaana ay si nabadgelyo ah u tagtay Meelo ka mid ah dhulkeeda oo la yaqaano.
Madaxweyne Siilaanyo oo ugu Horrayn kulankaas ka Hadlay ayaa ku dheeraaday inay Qaddiyadda iyo Go’aanka Shacabku ku gaadhay inuu Dawladnimadiisa dib u qaataa ay tahay lama taabtaan, isla-markaana sugidda Xuduudaha dalku yahay wax aan cidna Fasax looga soo qaadanynin,
“Waxan kor iyo hoos ba u sheegayaa in qaddiyada Somaliland lama taabtaan Tahay dawlad, xisbiyo baarlamaan iyo shicibba inaynu heegan u nahay adkaynta Nabadgelyada iyo Sugida qaranimada Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo Arrintaas ka Hadlay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegay inaan Somaliland iyadoo isku duuban aanay cidna ka qaadanaynin wax qadaf ku ah Qaddiyadeeda iyo arrimaha Xuduudaheeda, cidna aanay duulaan ku ahayn, waxana uu yidhi,
“Wadamada aanu deriska nnahay iyo Beesha caalamka waxanu jecelahay inaanuNabad ku wada Nolaano mana ogolin Farogelin dibadeed, mid siyaasadeed iyo mid military oo dhulkayaga iyo Dadkayaga Qadaf ku ah shacabkana waxanu ugu baaqayaa inay u soo wada Jeestaan oo ay u modoobaan Difaaca Dalka iyo Adkaynta Nabadgelyada.”
Madaxweynaha ayaa Hambalyo kal iyo laaba ah u diray Ciidamada qaranka Somaliland ee Dhawaan Gaadhay Jiidaha Taleex iyo Saax-dheer, waxana uu yidhi,
“Waxan Hambalyeynayaa Ciiidamadeena qaranka iyo Mawqifk ay qaateen iyo Guulaha aybsoo Hooyeen annagoo mar walba jecel inaan mawqfikayaga la Fahmi waayin oo aan cidna ku Xad-gudbaynin, Laakiin aanaan uga Tanaasulayn qaddiyadda iyo Difaaca qaranimada Somaliland.”
Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi-qaran, Guddoomiyaha Guurtida iyo Xubno kale oo Halkaas Ka Hadlay, ayaa dhammaantood sheegay inaanay Somaliland cidna duulimaad ku ahayn, isla-markaana shacabka Somaliland iyo Dawladiisa oo isku duubani Heegan ugu jiraan Difaaca iyo Ilaalinta Dalka Somaliland.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment