
Waxa uu soo jeediyey inaanay waddani ahaan khilaafka kulmiye aanay ku faraxsnayn oo ay doonayaan inay tartan hufan la galaan,
“Annagu khilaafka Kulmiye Burburkiisa ku farxi mayno, waxana naga Go’an inaanu Tartan hufan la galno, kulmiye shalay iyagoo isku dhan oo Hool fadhiya ayey qoslayeen markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Mikrafoonka loo diidayey ama askartu fadhiisinaysay, ninna muu odhan halaga daayo, inagoo ka dheregsan in cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ku dhabar beelay soo dhaweynta Madaxweyne Siilaanyo iyo tacabkuu la soo galay. Taasina waxay iyagu ku ahayd sida riwaadda oo kale iyaga.” Ayuu yidhi Maxamuud Raage.
Maxamuud Raage waxa uu xusay inaanay ku faraxsanayn sida loola dhaqmay wasiirku-xigeenkii hore ee Amniga oo ku sheegay inuu ahaa nin cadhooday, isla-markaana aanay dawladdu tudhaale kaga jawaabin arrintaas.
Waxa uu diiday muddo-kodhin loo sameeyo xukuumadda kulmiye, isagoo Guurtidana farriin u diray, waxana uu yidhi, “kordhini waa xaaraan, findhicilku ma xaaraan baa mise waa xalaal soo qaadistiisaa xun, umalayn maayo madaxweynaha Somaliland ee qiimaha badan afkiisa kordhin lagama maqlin, laakiin suuqa intaas waa lagu hayaa isaguna tartan buu sheegtay inuu u diyaar yahay, waan uga digayaa Guurtida inay Kordhin ku sadqeeyaan Khilaafka kulmiye, waa Taariikh Madow, Xaaji Cabdi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan waxanu uga Baranay wanaag xishmadna waanu u haynaa.”
Waxa uu ugu dambayntii sheegay inay ku faanayaan waxa wanaagsan ee xukuumaddu qabato, isla-markaana aanay ka gabanayn wax aka qaloocda, taasna aanay uga jeedin inay xukuumadda neceb yihiin, balse ay toosinteeda ka shaqaynayaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment