
Waxa uu ugu horrayn ka Hadlay Professor-ku sida uu u arko Khilaafka Kulmiye, waxana uu yidhi,“Ma qabo in khilaafka kulmiye yahay wax sidaas u sii weyn wax iska caadi ah oo ka dhaca axsaabba dunida weeye, imika muqdisho oo kale axsaabti kama jirto oo reer waliba meel buu ordayaa, laakiin kulmiye tartan baa gudihiisa ka dhexeeya dadka noqonaya Musharaxiinta xisbiga ayaa Tartamaya, Madaxweynihii Dalkana dad badan ayaa riixaya inuu soo noqdo distoorkuna wuu u bannaynayaa, dadbaana la tartamaya oo xisbiga iyaguna doonaya inay qayb ka noqdaan taasin waa wax caadi ah.”
Professor-ku waxa uu farta ku fiiqay sida xal loogu heli khilaafka xisbiga waxana uu yidhi,
“qaabka ugu wanaagsani waa in qawaaniinta qoran ee xisbiga in lagu wado dadka qaawaaniinta ay dhigtaan ama distoor qaran ha noqdo ama qawaaniin u taalla xisbi ha noqotee dadka iska iloowaa marka dambe madaxa ayey isku dhufanayaan. Waxana aan filayaa inay Guurtidu Qawaaniinta xisbiga bannaanka soo dhigaan.”
Cawaaqib-xumada iyo dhibaatada ka dhalan karta haddii khilaafku sii socdo, ayuu Professor-ku ku sheegay mid keeni karta burbur iyo cunsuriyad hor leh, waxana uu yidhi,
“qawaaniinta Xisbiga haddii la iska indha tiro oo markaa jujuub la yidhaahdo oo la qabiileeyo arrintii oo shakhsiyaadka u ordaya madaxtinmada xisbiga la qabiileeyo oo xeerkii halkaas la iska dhigo, waxay keenaysaa Cudur cusub.”
Professor Axmed ismaaciil Samatar ayaa in muddo ah u ololayn jirey Mabda’a Somaliweyn, waxase uu muddooyinkii dambe Garwaaqsaday Horumarka ka jira Somaliland, isagoo haatan us oo jeestay sidii uu dalkiisa Somaliland horumarkiisa iyo ictiraaf raadintiisa uga shaqayn lahaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment