Hargeysa, 11 June, 2014 (Himilo)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee gobollada Bari Fu’aad Aadan Cadde oo dhalasho ahaan ka soo jeea Gobolka Sool, ayaa iftiimiyey aragtida Xukuumadda iyo bulshada gobolku ka qabaan shir magaalada Taleex uga furmay Kooxda la baxday Khaatumo xasilooni-darrada ka geysta deegaamo ka mid ah Bariga gobolka Sool.
Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sheegay in ujeeddada shirkaas iyo waxyaabaha lagaga hadlayo aanay bulshada deegaanku isku-raaxsanayn, kuna kooban tahay shakhsiyaad kooban oo mashaariic ka dhex-samaysanaya bulshada, isaga oo ku dooday inuu yahay shir khal-khalgelin ammaan oo lagu hurinayo colaad deegaankaas ka dhacdo isla markaana natiijo kasta oo ka soo baxda aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin dadka gobolka.
Fuaad Aadan Cadde oo ku sugan degmada Xuddun ee gobolka Sool, waxa uu ka hadlay dedaallo waan-waan iyo dhex-dhexaadin ah oo ay ka dhex-wadaan beelo walaalo ah oo shaqaaqo dhexmartay sababtay dhimashada laba qof todobaadkan.
Ugu horrayn, Fuaad Aadan Cadde oo la weydiiyey shaqaaqo labada qof ku dhinteen oo dhawaan beelo walaalo ku dhex-maray deegaanka Xuddun, ayaa ku jawaabay, “Arrintaa daminteedu meel fiican ayay noo maraysaa labadii nine e markii hore ku dhintayna wax ka dambeeyay may dhicin waanan u wada joognaa dhamaystirka nabad iyo soo afjarida colaaddaba,waxaa jooga Garaadkii iyo dhammaan cuqaashii oo u taagan in xaaladda nabad lagu dhameeyo oo aanay halkaa dhaafin,waxaana loo ballan san yahay hawsha intii ugu dambaysay in berri la guda galo oo labadii dhinac la isku keeno,insha allaah wax dambena dhici maayaan,” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan oo khadka telefonka ugu warramay Gudgudenews.
Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaga goboladda Bari oo la weydiiyey sida uu u arko shirka magaalada Taleex uga furmay kooxda Khaatumo iyo taageerayaashooda , ayaa ku jawaabay, “Ugu horrayn waan cambaaraynaynaa Shirkaasi, shir loo dhan yahayna maaha waa shir ay wadato koox yar oo aan dadka metelin talona ka gu’in markaa shir maaha ee koox yar ayaa meesha ku sheekaysanaysa arrintooduna wax iyaga dhaafsiisan maaha wax saamayn ahna yeelan maayo shirkoodu,sababtoo ah cidiba iskuma raacsana dadkuna kulama socdaan.”
Mar la weydiiyey qorshaha uga yaala go’aamada shirkaas ka soo baxay, waxa uu yidhi, “Wax kasta oo ka soo baxaa iyaga ayuu ku kooban yahay wax lala qabona maaha wax ay cid ku metalaanna maaha kaligood ayuu gaar u yahay wax kasta oo ay ydhaahdaan waanu soo saarnayna meel uu ka dhaqan gelayaa ma jirto bulshaduna way ogtahay waxa ay yihiin kooxdaasi.”
Dhinaca kale, wararka aanu ilaa xalay ka helnay deegaamada Bariga gobolka Sool, ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemay deegaannadaas, isla markaana ay Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku jiiddaasi ku ruqaansadeen dhinaca degmada Taleex ee shirku ka socdo, iyada oo ujeeddada dhaq-dhaqaaq ciidanka lagu tilmaamay mid ka dhan xaalado ammaan-darro oo kooxda ku shiraysa magaalada Taleex ka wadaan deegaanada hoos-yimaadda degmada Taleex.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment