Wednesday, June 11, 2014

Xildhibaan Naqdiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Madaniga ah oo Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan-geliyey




“Hadda waxa muuqata in diiwaangelintii Madaniga ahayd lagu xidhayo diiwaangelintii Cod-bixiyeyaasha, hase-yeeshee, Xeerkii diiwaangelinta madaniga ah iyo Xeerkii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha midna ma soo bixin weli…” Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte


 


Hargeysa, 11 June, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay Xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta Madaniga ah ee Muwaaddiniinta oo uu habeennimadii Isniinta ee toddobaadkan uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo soo saaray, kaasoo uu sheegay inaanu haba-yaraatee soo marin Golayaasha Sharci-dejinta dalka.


raytXildhibaan Rayte waxa uu sheegay inaan la isku xidhi karin diiwaangelinta Muwaaddiniinta ee aqoonsiga dhalashada reer Somaliland iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.  Md. Ibraahin Jaamac Rayte oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu sidoo kale sheegay in madmadaw badani ku jiro wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.


Waxa uu Xildhibaan Rayte oo ka hadlaya sida aan la isugu xidhi karin labada diiwaangelinood ee Madaniga iyo Cod-bixiyeyaasha, yidhi; “Hadda waxa muuqata in diiwaangelintii Madaniga ahayd lagu xidhayo diiwaangelintii Cod-bixiyeyaasha, hase-yeeshee, Xeerkii diiwaangelinta madaniga ah iyo Xeerkii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha midna ma soo bixin weli. Kii Cod-bixiyeyaasha doorashada haddaannu gacanta ku haynaa oo Guddigayaga ayaa wada, kii diiwaangelinta Madaniga ah weli mahayno.”


“Sidaa darteed, iskuma xidhmi karaan, sababta oo ah diiwaangelinta waxay ahayd inay bilaabanto September kawdeeda, maantana waxaynu joognaa June, July iyo August baa hadhay, suuragalna maaha in diiwaangelinta Madaniga ah intaas lagu dhammeeyo.” Sidaa ayuu yidhi Mudane Rayte oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo ee ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.


Waxaanu Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Haddii lagu dhammeeyana waxay noqonaysaa in iyadoon Xeer la hayn la dhaqan-geliyo ama la fuliyo, anigu markaa ma garanayo hadhawto si ay u dhaqan-gelayso iyadoon lahayn Xeerkii saldhigga u ahaa sida looga horreysiinayo diiwaangelinta Cod-bixinta garan maayo. Waxaan ugu baaqayaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Madaxweynaha-ba Xeerkii diiwaangelinta Madaniga ah in la keeno Golaha Wakiillada, si looga doodo oo loo ansixiyo.”


Xildhibaan Ibraahin Rayte oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inuu soo maray Xeerka uu habeen-hore soo saaray Madaxweynaha Somaliland oo had iyo jeer dhaqan-geliya Xeerarka ay Golayaasha Sharci-dejintu soo ansixiyeen ee ay u gudbiyaan iyo waxay qoonsadeen, waxa uu yidhi; “Xeerkaasi namuu soo marin, waxaannu sugaynay inay Wasaaradda (Daakhiligu) keento, Wasaaradda arrimaha gudaha ayay tahay inay soo hal-abuurto, dabadeedna Golaha Wakiillada keento, Goluhuna waxa uu ka beddelayo ama ku kordhinayo ku sameeyo, ka dibna ansixiyo, u gudbiyo Golaha Guurtida sidoo kale ka yeelaan, ka dibna Madaxweynaha loo gudbiyo, Madaxweynuhuna uu sidaas ku dhaqan-geliyo.”


“Waxaannu ku war-helnay halkii aannu Xeerka ka sugaynay in Madaxweynuhu uu Xeer-nidaamiye ku beddelay oo uu soo saaray isagoo kaalintii Xeer-dejinta qaatay. Arrintaasina waa arrin Dastuurka khilaafsan oo ka soo horjeedda, waayo? Xilalka iyo Waajibaadka Waaxyaha kala duwan ee dawladdu way kala cad yihiin, iskuma khaldamayaan. Xeer-dejintu marna uma wareegi karto Waaxda fulinta.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo sii watay jawaabta uu su’aasha kor lugu weydiiyey ka bixiyey.


Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay in madmadaw badani ka muuqdo wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanu yidhi; “Anigu runtii madmadaw aad u badan baan ku arkaa wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, inaan daah-furnaani jirin oo hadday Shacabka tahay iyo hadday Golaha tahayba aan loo caddayn ujeeddada laga leeyahay iyo sida ay hadda wax u socdaan toona.”


Waxa uu Xildhibaan Rayte intaas ku daray oo uu sheegay in markii hore wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmeen qaab heer Qaran ah oo ay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Golayaasha Sharci-dejintu Xukuumadda kala qaybgeli jireen wadahadallada, hase ahaatee intii dambe loo beddelay qaab kooxeed oo keliya ay Xukuumaddu isku koobtay sida uu ku dooday, taasoo uu xusay inay keentay madmadaw badan iyo shaki inay bulshadu ka qaaddo.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment