
Mid ka mid ah Raggan xidhan ayaa la sheegayaa inuu leeyahay Masuul ka yahay mid ka mid ah Maraakiibta Waaweyn ee Koontiinarrada qaada oo ku soo xidha Dekedda Berbera.
Ganacsiga uu leeyahay ninka la xidhay oo inta badan ka socda Somaliya ayaa ah nooc ka jaban ka ay shirkaddaha haysta Koontiinaradu Somaliland adeegsadaan, waxaana la sheegayaa sidii aanay raggaasi dalka u soo cago dhigan lahayn ganacsato kale Dedaal dheer ka gashay.
Wali lama Hayo Magacyada Saxda ah ee Raggani leeyihiin, waxase La isla Dhex Marayaa inaanay raggani wax gacan ah ku lahay hawsha loo Haysto oo ah Xidhiidh ay la leeyihiin Argagixisada.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanaya Dalka, iyadoo qofkii la doonayo in la xidho loo maleego eedo been abuur ah oo salka ku haya halka maanta caalamku u nugul yahay ee ah waa Argagixiso iyo waa kuwa maal-galiya.
Ganacsatadan la wanjalay ayaa qorshahoodu ahaa in ay la kulmaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo si ay hawlo ganacsi oo ay gacanta ku hayaan ugu bandhigaan isla markaana Somaliland ku soo kordhiyaan adeegyo jaban oo casri ah.
Ganacsatadan ayaa degan dalka Imaaraadka waxaanu midkood ganacsi balaadhan ku leeyahay Somaliland, halka ka kale ay tahay markii ugu horaysay ee uu Dalka yimaado isagoo asalkiisu yahay Somali Maal-qabeen ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment