Monday, June 9, 2014

Maraykanka: Haweenay Iyo Nin Ka Hor intii aanay Is Khaarajin Qudha Ka Jaray Laba Ka Mid ah Ciidamada Boliska

Lasvegas:June,09,2014(Himilo)-Haweenay iyo Nin Hubaysan ayaa Qudha ka jaray Lab aka mid ah Ciidamada Booliska Maraykanka oo ka Cuntaynayey Huteel ku Yaala Lasvegas.

Lasvegas080614-2-740x416Haweenayda iyo Ninka ayaa La sheegayaa in markii ay Labadaas Askari dileen ay u dhaqaaqeen Gudaha Hore ee Meheraddda Walmart oo ah Goobta ay labada nin ku dileen ay isla Halkaas dhaawac culus ugu geysteen Qof kale oo saddexaad.

Labadan qof ayaa la sheegay inay is-dileen kadib markii ay rasaas is dhaafsadeen ciidamada Booliiska oo halkaasi gurmadka ku tagay.

 

 

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in haweenayda hubeysan ay marka hore ay rasaas ku dishay ninkii ay wada socdeen, kadibna ay iyada is-toogatay.

Macada sababta labadan qof ay weerarkan u qadeen, waxana kooban Wararka ka soo baxaya Dhacdadan oo wali la sugayo in faahfaahin laga Bixiyo.

 

Booliiska ayaa sheegay inay weli baadhayaan arrintan,Waxaana aan weli la shaacin magacyada labadan qof iyo waxa ka danbeeya weerarkan.

Dadka caadiga ah ee Maraykanka ayaa xaq u leh inay hubka qaataan, waxana ay taasi sanadahan dambe dalkaasi ku keentay weerarro badan oo sababay in dad aan waxba galabsan si kedis ah loo laayo,iyadoo uu Madaxweyne Obama soo jeedinayo in la soo saaro sharci lagu mamnuucayo hubka ay gacanta ku Hayaan dadka Shacabka ahi.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment