Weerarka kooxdani Garoonka ku soo qaadday ayaa muddo soconayey, waxana labada dhinac halkaas isku weydaarsadeen Noocyada kala duwan ee Hubka, iyadoo khasaaraha halkaas ka dhashay uu noqday mid Ballaadhan.Ciidanka Pakistan ayaa sheegay inay dib ula wareegeen amaanka garoonka caalamiga ah ee Jinnah,Waxaana ay sheegeen inay dileen dhamaan kooxdii soo weerartay garoonka oo ka koobnayd 10 ruux.
Ururka Taliban ee ka dagaalama Pakistaan ayaa sheegay inay iyagu weerarka ka dambeeyaan, isla-markaana ay ka gaadheen ujeeddadii ay ka lahaayeen.
“ Waxaan qaadnay weerarka garoonka Karachi wuxuuna fariin u yahay dowladda Pakistaan si aan ugu muujino inaan u nool nahay ka felceliska dil loo geystay dad aan waxba galabsan oo weeraro bombaano lagu qaaday xaafadahooda,”ayuu yidhi Shahidullah Shahid. oo ah afhayeenka Taliban oo lahadlay Reuters.
Dadka ugu badan ee ku dhintay weerarkan ayaa waxay ahaayeen ciidamada ilaalada garoonka, Mas’uuliyiinta gobolka Sindh ayaa sheegay kooxaha weerar fuliyay inay ahaayeen dad aad utababarnaa.
“ Qorshahooda wuxuu ahaa mid aad loogasoo fakaray. Balse waxay ku guul daraysteen inay bur buriyaan diyaarado garoonka yaalay.” ayuu yidhi Qaim Ali Shah oo wasiirka gobolka Sindh.
Kooxda wax weerartay ayaa la aaminsan yahay inay gudaha garoonka ku galeen iyagoo isticmaalaya aqoonsiyo been abuur ah halka warbixino kalena ay sheegayaan inay jareen fiilooyinkii isgaadhsiinta ama korantada.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment