Wednesday, June 4, 2014

Maraykanka oo Sharraxay waxay Somaliland kaga badbaadday qalalaasaha Soomaaliya iyo sida ay Muqdisho ku soo gaadhi karto Hargeysa




Maraykanka oo ka hadlay aragtidooda Somaliland iyo waddooyinka loo mari karo is-faham yimaadda Soomaalida dhexdeeda


 


“Dawladda Maraykanku waxay si firfircoon ula shaqeyn doontaan Xukuumadda federaalka iyo hogaamiyeyaasha kale si loo adkeeyo Hay’adahooda Maamul iyo…” Masuul u hadlay dawladda Maraykanka


 


Washington, 04 June, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay waxay Jamhuuriyadda Somaliland kaga badbaadday qalalaasaha 23-kii sano ee u dambeeyey ka socday waddanka Soomaaliya, isla markaana waxay talo ka bixisay sida ay Muqdisho ku soo gaadhi karto Hargeysa.


1aadXukuumadda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in Somaliland samaysteen nidaam Maamul u gaar ah, isla markaana doorteen ka fogaanshaha qalalaasaha ka taagan meelaha kale ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray dhammaantood.


Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda Wendy Sherman oo xalay khudbad ku saabsan Siyaasada Maraykanka ee ku waajahan dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka jeedisay Machadka nabadda Maraykanka, ayaa sheegtay in sida ugu wanaagsan ee Soomaalidu ku gaadhi karaan isfaham dhexdooda yimaadda ay tahay wada-xaajood, sannaaduuqda codka iyo nidaam sharci.


Ms. Sherman oo ka hadlaysay sida ay Somaliland isaga ilaalisay dhibaato ka soo gaadha qalalaasaha Soomaaliya ka socda, ayaa sheegtay inay samaysteen nidaam Maamul u gaar ah, waxaanay tidhi; “Somaliland, tusaale ahaan, waxay iska fogeysay qalalaasaha meelaha kale ka socda dhammaantood, isla markaana waxay samaysteen nidaamkooda Maamul u gaar ah.”


Mar ay ka hadlaysay qaabka ugu wanaagsan ee Soomaalidu ku gaadhi karaan is-faham dhexdooda yimaadda, waxay tidhi; “Habka ugu wanaagsan ee isfaham dhexdooda ah ay ku gaaadhi karaan Soomaalidu waa wada-xaajood, codeynta Sanaaduuqda iyo nidaamka shuruucda oo loo maro nidaamka hoggaamineed.”


Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee arrimaha Siyaasadd,a ayaa sheegtay in dalkeedu sii wadi doono iskaashiga muuqda ee ka dhexeeya Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xukuumadaha kale, sida Somaliland waxaanay tidhi; “Dawladda Maraykanku waxay si firfircoon ula shaqeyndoontaan xukuumada federaalka iyo hogaamiyeyaasha kale si loo adkeeyo hay’adahooda maamul, iyo horumarinta iskaashi laga yeesho dhinac walba.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment