Wednesday, June 4, 2014

Somaliland iyo Djibouti oo Iska Kaashanaya Baadhitaan lagu Samaynayo Dadkii Fuliyey Qaraxyadii ka Dhacay magaalada Jabuuti




Djibouti, 04 June, 2014 (Himilo)- Xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa iska-kaashanaya baadhitaanno lagu samaynayo dadkii ka dambeeyey qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Jabuuti oo masuuliyaddiisa ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka Koonfurta Dalkaasi Soomaaliya.


kalluumaysigaDawladda Jabuuti, ayaa dhowaan sheegtay in dadkii fuliyey qaraxyadii ka dhacay caasimadda Jabuuti ay dalkooda ka galeen Xuduudaha ay la wadaagto Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan iyaga oo xusay inay baadhitaankooda ku ogaadeen in labadii qof ee Is-qarxiyey oo midkood haweenay ahayd ay ka tagtay magaalada Hargeysa.


Raysal-wasaaraha Dalka Jabuuti Maxamed Kaamil Cabdiqaadir oo dorraad xafiikiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliland Jaamac Cali Faarax, ayaa uga mahad-celiyey Xukuumadda Somaliland is-kaashiga Dhinaca baadhitaanka ammaanka ee ay kala hawl-galeen badhitaanka Qaraxyadii 24-kii Bishii hore ka dhacay magaalada Jabuuti.


Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda Somaliland, waxa uu reysal-wasaaraha Jabuuti u gudbiyey tacsi uu uga siday madaxweynaha iyo shacabka Somaliland kaga tacsiyeynayana madaxda iyo shacabka Jabuuti khasaarihii ka soo gaadhay weerarkaas dalkooda lala beegsaday.


Kulanka Dhexmaray Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Jabuuti oo uu wehelinayey wasiirka Beeraha ee dalkaas Maxamed Axmed Cawaale, ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee ku aaddan Kalluumaysiga, gaar ahaan dhoofka kheyraadka badda, sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Jabuuti.


“Raysalwasaraha iyo Wasiirka Kalluumaysiga Jabuuti waxa ay ka wada-xaajoodeen xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Shacbiga labada dal iyo baahida loo qabo sidii loo sii xoojin lahaa.


Raysal-wasaaruhu waxa uu uga mahad-celiyey wasiirka safarka uu ku yimi Jamhuuriyadda Jabuuti iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada waddan,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Jabuuti.


Socdaalka Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland ku tagay dalka Jabuuti, ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood ka dib markii dawladda Jabuuti shaacisay in haweenay ka mid ah labadii qof ee isku qarxiyey caasimadda dalkaasi ay ka tagtay magaalada Hargeysa oo ay sheegeen inay ku sugnayd muddo laba maalmood ah, haseyeeshee xukuumadda Somaliland ilaa immika wax jawaab ah kama bixin arrintaas, in kasta oo ay jiraan baadhitaanno socda oo hay’adaha ammaanku ku dabo-joogaan dhalleecaynta dawladda Jabuuti farta ku fiiqday ee ku aaddan arrintaas iyo hawl-galo kale oo la xidhiidha.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland                         


 

No comments:

Post a Comment