Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland oo ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad wakhtigan iyo nooca qalliin lagu sameeyey
Minneapolis, 12 June, 2014 (Himilo)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), oo dhawaan qalliin lagu sameeyey, ayaa markii uu horreysay ka warbixiyey xaaladdiisa caafimad sida ay tahay wakhtigan, waxaanu sheegay inuu fiican yahay, isla markaana lagu guulaysatay qalliin Caafimaad ee loogu sameeyey Cusbitaal ku yaalla dalka Maraykanka.
Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Mr. Caddaanni oo Weriye ka tirsan Shabakadda Batalaale ku booqday Cusbitaalka uu ku jiro shalay, ayaa sheegay inuu mahad-celin wayn u dirayo dhammaan bulshada reer Somaliland gudo iyo dibed meel ay joogaan-ba ee caafimaad-qab ugu soo duceynayey muddadii uu Cusbitaalkaas ku jiray.
Wasiiru-dawlaha Maaliyadda oo ka hadlayey sida xanuunku u qabtay iyo nooca qalliinka loo sameeyey waxa uu yidhi; “Markii ugu horreysay waxa uu xanuunku igu bilaabmay anigoo khudbad ka jeedinaya Xaflad ka dhacaysay magaalada Toronto ee dalka Canada. Ka dibna laba maalmood qalliin ayaa la iigu sameeyey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, afar xidid baa tuubooyin la iga geliyey.
Mudane Caddaani, oo ka hadlayey xaaladdiisa caafimaad ee wakhtigan iyo mahadnaq uu u jeedinayo guud ahaan qeybaha bulshada gudo iyo dibed ayaa sheegay inuu mahadcelin balaadhan u gudbinayo Madaxweyne Siilanyo la xidhiidha la socodka xaaladayda caafimaad, waxaanu yidhi; “Xaaladdayda caafimaad Illaahay mahaddii wakhtigan way wanaagsan tahay, guud ahaan waxaan u mahad-celinayaa qof kastoo farriin iyo duco ii soo diray. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo, aad baan ugu mahad-celinayaa ogaanshaha xaaladdayda caafimaad, waxa la ii sheegay inuu laba wakhti ila soo hadlay, inkastoo aanan anigu fursad u helin la hadalkiisa. Waxaan sidoo kale u mahad-naqayaa shaqaalahii Wasaaradda Maaliyadda ee xidhiidhka ila soo yeeshay.”
Wasiiru-dawlaha Maaliyadda ayaa sheegay inuu dedaalku ku jiray halkii ka sii wadi doono, marka uu Dhakhtarka ka baxo, Illaahay-na caafimaad buuxa siiyo, maaddaama oo ujeeddaduu xilka ummadda u hayo tahay inuu u shaqeeyo. “Markaan Dhakhtarka ka baxo, Illaahay caafimaad buuxana I siiyo, halkii ayaan ka sii wadayaa dedaalkii wax-u-qabadka ummadda,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment