Thursday, June 12, 2014

Ujeeddada Digniin Dhiillo xambaarsan oo loo jeediyey Soomaalida haysata Jinsiyadaha kale ee Ethiopia u Socdaalaysa




Addis Ababa, 12 June, 2014 (Himilo)-  Safaaradda dawladda Maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, ayaa dadka Soomaalida ah ee haysta baasaboorrada dalalka Shisheeye ee isticmaalaya garoomada diyaaradaha Addis Ababa ugu bushaareeyey inay u diyaar-garoobeen caqabado leh oo ay kala kulmi doonaan socdaalkooda.


SAFAARADQoraal digniin ah oo shalay ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa, ayaa dadka Soomaalida ah loogu inay la socdaan isla markaana digtooni gaar ah u yeeshaan tallaabooyin ay kala kulmi karaan garoonka diyaaradaha Bole ee Addis Ababa, kaas oo dadka kaas oo dadka Soomaalida ee haysta dhalashada waddamada kale ee ay ku dhaqan yihiin laga yaabo inay kala kulmi karaan masuuliyiin laamaha socdaalka Itoobiya in la xannibo, la xidho, ama xabsi loo diro muddo aan xaddidnayn.


Qoraalka safaarada Maraykanka ayaa loogu digay shaqsiyaadka Soomaalida inay u diyaar-garoobaan caqabadahaaas, isla markaana aanay ilaawin qaadashada dhamaan waraaqaha muhiimka ah iyo ciwaanka safaaradda dalkoodu ku leeyahay Addis Ababa, sababo la xidhiidha in qofkaas lala xidhiidhsiiyo macluumaadkana la weydiiyo safaaradda.


“Waxa si weyn loogula talinayaa dhamaan muwaadiniinta Maraykanka ee u sicdaalaya ama degaya dalka Itoobiya inay iska diiwaangeliyaan waaxda arrimaha Dibedda ee socdaalka.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraal safaaradda Maraykanku ugu digtay Soomaalida dalkeeda ku dhaqan.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment