Monday, June 9, 2014

Muwaadiniinta Reer Maraykan Oo Cabsi Aawadeed Looga Digay inay Safarro ku Tagaan Dalka Djibouti

Washington:June,09,2014(Himilo)-Waxa soo Baxaya warar dhiillo leh oo tibaaxaya in ammaanka Dalka Dibouti uu noqday mid aan la isku Hallayn Karin oo Kooxaha Shabaabku badhtilmaameedsanayaan.

To Match Feature SECURITY AFRICA HORNWarkaasi waxa uu ugu dambayn ka soo Baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo xidhiidh dhaw la leh Xukuumadda Ismaacil Cumar Geele.

Wasaaradda ayaa soo saartay war digniin ah oo ay muwaadiniinteeda uga Digayso inay u safraan dalka Djibouti, maadaama uu jiro shaki ah in Al-shabaab ku foogan yihiin sidii ay weeraro uga fulin lahaayeen.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in laga baqayo in Alshabaab oo doonaya inay weeraraan danaha Mareykanka ee qaarada Africa iyo dalka Jabuuti ay waxyeeleeyaan muwadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti.

Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay inay jiraan warbixino dhanka amniga oo ay helayaan oo ku wajahan xaalado dhanka amniga ee dalka Jabuuti iyadoo 24 kii May dalkaasi ay ka dhaceen qaraxyo waxyeelo geystay.

 

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay dalka Jabuuti kaasi oo sababay dhaawacyo soo gaadhay ciidamo ajaaniib ah oo ku sugnaa dalkaasi Jabuuti.

 

Shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Jabuuti ayaa dhankooda loo jeediyay inaanay tegin goobaha dadweynaha ay ku kulmaan ee kuyaala dalka jabuuti ayna ka fogaadaan goobahaasi.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment