Sunday, June 8, 2014

Nuxurka go’aamada Guddiga Guurtidu ka soo saareen Khilaafka KULMIYE iyo Aragtida Madaxweyne Siilaanyo & Guddoomiye Muuse Biixi




Dardaarankii Saleebaan, Ducadii Xaaji Cabdi, Dayaankii Go’aamada iyo Dareenkii Guddoomiiyaha Kulmiye


 


Hargeysa, 08 June, 2014-(Himilo)- Guddi Golaha Guurtida Somaliland ah oo isu-xil-saaray dhexdhexaadinta khilaaf Xisbiga talada haya ee KULMIYE u kala qaybiyey laba Garab oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi, ayaa gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah u shaaciyey go’aammo ay ku soo afjareen khilaafkaas oo meel sare gaadhay.

10354074_578416148938909_5490081557074950737_nKulan ay Ergada dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtidu shalay galab xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ugu qabteen labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyey oo ay isa-soo-horfadhiisiyeen ayey kaga dhawaaqeen go’aannada ay soo saareen, ka dib markii ay dhegaysteen doodaha dhinacyada KULMIYE ee is-khilaafay iyo waxay kala tirsanayeen, isla markaana ay dib u eegeen qodobbo ka mid ah Sharciga Xisbigaas iyo go’aannada Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE.


Weedhaha Guurtida:


Ka hor intii aan lagu dhawaaqin go’aannadaas waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo iyagu hoggaaminayey Guddiga dhex-dhexaadinta.


slaeeGuddoomiye Saleebaan oo hadalka bilaabay waxa uu yidhi; “Qayladii ka soo yeedhay Xisbiga KULMIYE Shirweynihihiisii ka dib, waannagii isku xil-qaannay inaannu hawshaa galno, intaannaan gelin labadiinna dhinac ee dhinac Madaxweynuhu hoggaaminayey, dhinacna Muuse hoggaaminayey, waxaannu ka qaadannay oggolaansho iyo kalsooni, aad iyo aad bay ugu mahadsan yihiin. Waannagii labada qolaba aragnay, qolo waliba wixii ay sheeganayeen waa sheegatay, qoloba saacado ayaannu aragnay, annagase waad na ogeydeenoo saddex afar maalmood bay nagu qaadatay inaannu isugu kiin yeedhno oo go’aannada idin maqashiinno, hawshaa culayskeeda lahayd, Qarankana waa ka cudur-daaranaynaa intaas ay nagu jiitantay.”


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Maanta (shalay) waxaan jeclahay in go’aannadii aannu gaadhnay idin maqashiinno. Waxaannu jecelnahay inaad go’aammadaa sidooda u ku fulisaan, dadweyneheenna iyo adduunkaba Xisbiii KULMIYE waa is-khilaafayna inay maanta innoogu dambayso Illaahay haka dhigee. Wixii kale ee is-laab-xaadhashadiinna ahina hadhawto mar haddii hadalku idiin furmay dee waad sii wadan doontaan.”


“Laakiin, waxaannu jecelnahay inaad go’aammada sidaas ku qaadataan, sidaa aynu dadkeenna iyo dunidana maqashiinno, idinkuna Raggii is-wada ahaa, Xisbiga qudha wada ahaa ee Xisbil-xaakimka ahaa ee dawladduna ummadda wada dhaqaysay ee hoggaaminaysay idinkuna ku kaalinayseen Xisbi ahaan inaad wada ahaataan, ayaannu ILLAAHAY ka baryeynaa idinkana idinka codsanaynaa. Waxaan kaga baxayaa ILAAHAY ha inna tuso  danteenna iyo danta dadkeenna inntaba giddigeen ILLAAHAY ha innagu hago.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.


Sidoo kale, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Mudanayaasha Guurtida ee dhex-dhexaadinta khilaafka KUKLMIYE, ayaa isaguna halkaas hadallo waano iyo wax-sheegmo isugu jira ka soo jeediyey, waxaanu yidhi; “Waxaad isku qabateen wax fudud buu ahaa…Caalamka oo dhami wuu sheegay is-qabashadiinnan, ma ihidin Xisbi uun iska xisbi ah, ee Xukuumaddii baa idin saaran, Cirka iyo Dhulka cidda joogta-ba idinkaa u masuul ah oo Xukuumaddii gacanta ku haya, labar 2-diinna ayey Xisbiyada kale yihiin, iyo hadday Wakiillada tahay iyo hadday Guurti tahayba, xilka idin saaran ku talo-gala.”


Xaaji Cabdi-waraabe oo si wata hadalkiisa waxa uu yidhi; “Yaan waxba la sheegin, oo layla murmin oo aynaan ilaaqtamin maaha, Xisbigu waa inuu murmaa wadahadlaa, haddana waa inaanu ku kala tegin, waxa loo ciiraa halka Madaxweynuhu yahay, maxaa-yeelay? ILLAAHAY baa gartay, Masuul baa laga dhigay, Masuulka waxbaa loo sheegaa, arrinka kaas iyo kaas, kaasi Madaxweynoow ma kula qumman yahay, ka uu ku adkaysto uun in la raacaa-baa dantiinna ah, khilaaf baa Allahiin Alle ka yahay. Maanta waxaannu soo garannay si wanaagsan inaad u aqbashaan baannu Illaahay ka rejaynaynaa.”


“Golahan oo kale nin qudha oo madhnaan kala tega malaha, nin ceeb buu kala tagaa, waar wuxu muxuu ku hadlay baa la yidhaa? Nin-na ammaan buu kala tegaa, waar ninku hadal-toosnaayee baa la yidhaahdaa? Nin-na inkaar buu kala tegaa oo wuxu yidhaahdaa; ‘Anigu waxaa Raggu gartay diiday. Nin-na duco ayuu kala tegaa oo aqbal buu kala tagaa Shirweynaha, adduunkuna ma qaallo baxo, xubin qalloocan haddaanad qaadan ma ta qumman baa abaal la isugu qabaa. Waxaan ku soo gaabinayaa khilaafkaasi inuu halkaas ku dhammaado, halkii u dambaysay baynu joognaa ee la inna Ictiraafayey, Ictiraafka yeynaan dhoobayn. Go’aammada la akhriyana inaad deg-deg u aqbashaan baannu rejaynaynaa ku ducaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida.


Go’aannada Guddiga Dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtidu ka soo saareen Khilaafka KULMIYE:


Intaa ka dib Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa kulankaas ka akhriyey go’aammada ay Ergada Guurti ka gaadhay khilaafka KULMIYE kala qaybiyey, go’aankaas oo si toosa ugu socday Madaxweynaha, Guddoomiyaha KULMIYE, ogeysiinna laga siiyey Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka, Maxkamadda sare iyo Guddiga diiwaangelinta, waxaanu Siciid oo qoraalkaas akhriyayaa ku bilaabay sidan:-


“Markii ay dhegaysteen dacwadaha labada dhinac, darseenna qoraalladii ay u soo kala gudbiyeen. Markii ay arkeen qodobka 19aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE xarafkiisa H, faqradiisa 1aad. Markii ay arkeen xeerka Diiwaangelinta Ururradda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ee Xeer Lambar 14, qoddobkiisa 25aad, faqradihiisa 4aad & 5aad. Markii ay arkeen warqadda summadeedu tahay GDU/AA/206/2014, kuna taariikhaysnayd 31/05/2014ka oo ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Qaranka.


Markii ay arkeen go’aankii Guddiga Turxaanbixinta ee u Madaxweynuhu u magacaabay khilaafka xisbiga dhexdiisa 01/01/2014, qoddobadiisa 5aad iyo 6aad ee ku taariikhaysan 22/02/2014. Iyadda oo ay waajib tahay in la soo af-jaro khilaafkan cakiran ee hadheeyay xisbiga KULMIYE si aannu u sababin Burbur iyo kala-qaybsanaan ku yimaad xisbiga dhexdiisa. Haddaba, Guddiga Golaha Guurtiddu iyaga oo ka duulaya dhammaan arrimahan kor ku sheegan waxay soo saareen go’aannaddan: –


1. In Go’aannadii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga KULMIYE oo ay soo saareen Shirguddoonkii Shirweynuhu, una gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta, isla markaanna ay Guddida Diiwaangelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka ansixiyeen ay sidooda ayay dhaqangal u yihiin.


2. Inkasta oo u xaq u yeelan karo Madaxweynuhu iyo qof kasta oo dalka Madaxweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto labadda teeram (muddo) doorasho ee Dastuurku u jideeyay, hasa yeeshe, in cid kasta oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo buuxisa shuruudaha laga rabo qofka isu taagaya Doorashadda Jagadda Madaxweynaha uga tartami karo golaha dhexe ee KULMIYE dhexdiisa.


(a) Waxa reeban shacaa’ir kasta oo muujinaya astaan Murrashax ama doorasho ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ku muddaysan Xeerka Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.


3. Wixi dad loo xidh-xidhay arrimo la xidhiidha khilaafka Xisbiga KULMIYE la sii daayo.”


Maxay ka yidhaahdeen go’aannadaas Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse?


Shaacinta go’aammadaas Golaha Guurtidu khilaafka KULMIYE ka soo saareen ka dib, waxay Weriyeyaashu aragtida ay ka qabaan go’aannadaas wax ka weydiisay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo labadoodu kala hoggaaminayey labada Garab ee Khilaafku Xisbiga KULMIYE u kala qaybiyey, waxaanay sheegeen inay aqbaleen.


Inkasta oo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu caddeeyey inaan dhiniciisa waxba loo soo qaadin ee dhinaca Madaxweynaha wax loo go’aamiyey haddana waxa uu sheegay inuu danta Qaranka awgeed u aqbalay qaadashada go’aammadaas, waxaanu isagoo ka jawaabaya su’aasha laga weydiiyey aragtidiisa iyo aqbalaadda go’aannadaas uu yidhi; ”Waxay ila tahay haddaad Ragga aad arrin u dhiibato maaha sidaad doonayso in ay kuu xukumaan. Inkasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen, haddana waan aqbalay, Go’aamada waan aqbalay sida ay ahaayeen si kasta ha iigu adkaato danta Qaranka ayaan u aqbalayaa aniga waxba layma soo qaadan ee sidii kalay u xukumeen waanse qaatay.”


Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isaguna ka jawaabayey su’aal dhiniciisa laga weydiiyey sida uu u arko go’aannada Golaha Guurtidu ka soo saareen khilaafka u dhexeeyey KULMIYE oo uu Garab ka mid ah isagu hogggaaminayey, waxa uu yidhi; “Waan aqbalnay oo waan qaadannay. Waxaannu u aragnaa sida ay tahay oo waxa ay tahayba waannu qaadannay oo waannu aqbalnay, maadaama oo aannu Guddida aqbalnay in ay dhexdhexaadin gasho oo ay Guurtidii Qaranka tahay.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment