Sunday, June 15, 2014

Oday Xasan-Xaydh oo bogaadiyey Caleemo-saarka Suldaanka Cali Cabdi Xasan-Roodhiile

Hargeysa (Himilo)- Oday Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mid ah wax-garadka magaalada Hargeysa, ayaa bogaadiyey caleemo-saarka Suldaanka Beelaha Isaaq ee ku dhaqan magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada Diridhaba.

xasan-xaydhXasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh) oo ka mid ahaan jiray Xildhibaannadii hore ee Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ee Somaliland, waxa uu hambaleeyey Caleemo-saarka Suldaan Cali Cabdi Xasan-Roodhiile oo 07/06/2014 lagu caleemo-saaray munaasibad ay isugu yimaaddeen madax-dhaqameedka iyo odayaasha Qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan Diridhaba, taas oo ku qabsoontay Beer weyn oo ku taala badhtamaha magaaladaas.

Oday Xasan-Xaydh oo Xarunta wargeyska Himilo soo gaadhsiiyey dhambaal hambalyo iyo duco xambaarsan oo uu ku socda Suldaanka, waxa uu bogaadiyey bulshada ku dhaqan magaaladaas inay doortaan hoggaan ku metela danahooda dhinaca dhaqanka, isaga oo Suldaanka cusub-na Eebbe uga baryey inuu ku astaro masuuliyadda uu qaaday.

“Waxaan Hambalyeynayaa Suldaan Cali Cabdi Xasan-Roodhiile oo lagu Caleemo-saray magalada Diridhaba ee Beesha reer Sheekh Isaxaaq ee magaaladaas doorteen. Waxaan leeyahay, hawl wanaagsan baad qabateen, waxaanan Illaahay uga baryeyaa inuu xilka u fududeeyo oo ka dhigo kii dadkiisa isu ururiya,” sidaas ayuu Oday Xasan-Xaydh ku sheegay dhambaalkiisa hambalyada ah.

No comments:

Post a Comment