Ninkan oo u dhashay dalka Libiya ayaa la sheegayaa in lagu eedaynayo Lugtii uu ku lahaa Weerarkii sanado ka hor lagu qaaday Qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Banqazi ee Dalka Libiya.Ahmed Abu Khattallah ayey Maraykanka ku eedeeyeen inuu kamid ahaa hogaamiyayaashii ka danbeeyey weerarkii lala beegsaday Qunsuliyadii Maraykanka ku lahaa magaalada Benghazi bishii September sanadkii 2012, kaas oo keenay in Madaxweynaha Maraykanka si weyn loogu dhaleeceeyo.
Weerarkaasi ayuu ku dhintay Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Liibiya Chris Stephens iyo sadex kale oo kamid ah illaaladiisa iyo shaqaalihii safaarada.
Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalka ka fuliyey duleedka magaalada Benghazi iyagoo si fudud gacanta ugu dhigay ninkaasi la baadi goobayey muddo ku dhaw 2 sano.
Hawlgalkan ayaa la sheegay inaanay cidna wax ku noqon, isla markaana ay ciidamadaasi si nabad ah uga baxeen dalka Liibiya.
Ninkan ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago dalka Maraykanka, iyadoo ay dhici karto in lagu xukumo dil.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in gacanta lagu soo dhigo ninkan isagoo sheegay in qofkii dil u geystay muwaadin Maraykan ah aanay dowlada Maraykanka ka hadhi doonin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment