Wednesday, June 18, 2014

Burco:Shil Naxdin leh Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Keenay Taageerayaal Soo Dhaweynayey Guddoomiye Cirro

Burco:June,18,2014(Himilo)-Waxa Maanta Duleedka Magaalada Burco ka Dhacay Shil naxdin leh oo ay keenay Dhikasho iyo Dhaawac Dadweyne Soo Dhaweynayey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

shiliyShilkan  oo ka dhashay Gaadhi Nooc Noah-da loo yaqaanno ah oo waddada ka Baxay, ayaa waxa ku Geeriyooday Laba, Halka ay kaga Dhaawacmeen Shan kale oo dhammaantood ka mid ahaa dadkii ka qayb qaadanayey Soo Dhaweynta Guddoomiye Cirro.

Magacyada Labada Marxuum ee Ku naf waayey, ayaa kala ahaa,

Marxuum Xuseen Ceerigaabo iyo Yuusuf Maxamed Diiriye oo isla goobtii ku geeriyooday.

Sidoo kale shanta Qof ee kale ee dhaawacmay, ayaa kala ahaa:

1.Sidiiq Xirsi Cismaan

2.Sulaymaan Jaamac Xayd

3.QadaroAxmed Abokor

4.Axmed Ciise Madar

5.C.raxmaan Muuse.

Dadka ayaa dhaawacyo kala duwan qaba, waxana lagu daaweynayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco, waxana Xaaladdoodu  tahay mid culus iyo mid Fudud-ba.

 

 Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment