Kulankan ayaa salka ku Hayey sidii ay labada Dhinac uga wada Socon lahaayeen Hawlaha Diiwaan-gelinta Cod-bixiya-yaasha oo Dhawaan Lagu Wado inay Dalka ka Bilaabmaan.Markii Kulankaasi Soo Idlaaday waxa Saxaafadda warbixin kooban siiyey oo kulanka la xidhiidha siiyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, waxana uu tilmaamay in Axsaabta La siiyey Warbixinn la xidhiidha Halka ay marayaan Hawlihii Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha.
Faysal waxa uu tilmaamay inay si fiian ugu qanceen Warbixintaas, waxana uu xusay in dhawaan si rasmi ah loo Bilaabi doono Diiwaangelintaas,
“waxanu iskugu nimi Komishanka Ayaa na siinayey Warbixintii Diiwaangelinta Codbixiyayaashu halka ay marayso, wayna mahadsan yihiin shaqo fiicanna way qabteen meel fiicanna way maraysaa, waxana imika noo Muuqata inaynu aad ugu dhaw nahay inay inoo qabsoonto Hawshii Diiwaangelintu” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Waxa uu Faysal sheegay inay isla garteen in Sabtida soo socota la galo Hawl Tijaabo ah, taas oo lagu qaban doono Goobo ku yaalla Hargeysa iyo Degmada Baki, isla-markaana la eegi doono ku celcelinta sidii looga Taxadari lahaa.
Faysal cali waraabe oo ku hadlayey Afka Saddexda Xisbi qaran ayaa halkaas ka sheegay in Haddii la wada shaqeeyo in Hawshaasi sidii loogu talo galay ku dhammaan doonto oo aanay jiri doonin wax dib u dhac ahi.
Hawsha Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha ayaa ah mid dalka oo dhan looga diyaargaroobayo, waxana la filayaa in muddada sanadka ah ee Doorashooyinka Madaxtinimada Ka Hadhsan lagu Dhamaystiro.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment