Tuesday, June 17, 2014

“Waddankayaga Al-Shabaab ma joogto, Al-shabaabtu Jeelasha ayay noogu jirtaa, waannu iska difaacnay ee Adigu (Puntland) iska celi”




“Beesha caalamka umaannaan dhaaran ee dalkayaga ayaannu u dhaarannay, dalkayaguna xuduudo ayuu leeyahay, kana noqon mayno, dibna uga soo qaadi mayno (Ciidanka)..”


 


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan


Hargeysa, 17 June, 2014 (Himilo)- Wasirika Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaaminayey oo dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu si adag uga jawaabay eedaymo indho-la’aan ahaa oo Maamulka Garoowe u soo jeediyey Somaliland.


xirsiWasiirka Madaxtooyada Somaliland oo markii ay isaga iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ka soo degeen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada, ayaa Warbixinta safarkiisa iyo cidda ay Jabuuti kula kulmeen ka sokow, jawaab ka bixiyey eedaymo ay Puntland ku sheegtay in Somaliland iyo Al-Shabaab aanay kala garanayn si ay u kala saaraan iyo baaqa ay dalalka caalamku Somaliland ugu soo jeediyeen inay Ciidankeeda dib uga soo qaaddo deegaannada Xadka ay Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaan fadhiya si ay amniga u sugaan.


“Somaliland maanta ma dhalan, waxayna leedahay xuduudo la mid ah kuwo adduunka ee ah kuwii uu ka tagay Gumaystuhu, kuwaas ayaanu sheeganaynaa, kuwaasi ayaanu u dhaaranay haddaanu nahay Masuuliyiinta, kuwaasi ayaa sharciya oo dastuuriya.  Adduunka waxaanu ka codsanaynaa cid aanaan is haysan in aanay iyagu na muransiin, xuduudkayagu calaamad-buu leeyahay, mana qaldamo, cidna inay nagu soo xad-gudubto diyaar uma nihin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Wasiir Xirsi oo  la hadlaya Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee Garoowe looga taliyo, waxa uu yidhi; “Somaliland maaha wax aannu afka uun ka sheegayno, sida qolada Puntland ee afka uun dawladnimada ka sheeganaysa ee markii ay shaqadii dadkooda ka soo bixi waayeen eedaynta iyo cayda Somaliland ku taagan.”


Waxa uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland intaas sii raaciyey oo uu yidhi; “Waxaannu nahay dad ku filan dadkooda, difaaci kara, kana shaqeeya wixii bulshadu uga baahnayd, nabadgalyo ka dhigtay, waxaanuna tusaale u  nahay Geeska, waxaanu nahay tusaale dunidu daliishato..xaasha waddankayaga Al-shabaab ma joogto, Al-shabaabtu jeelasha ayay joogtaa, dawladdayada ma soo gelaan, waannu la dagaallannaa oo jeelasha ayay noogu jiraan. Waa cadow Caalamiya (Al-shabaab) waannu iska celinnay ee adigu (Puntland-neey) iska celi.”


“Waa ayaan-darro haddaad tidhaahdo dawladda Somaliland, Al-shabaab ayay la shaqeysaa, iska celi intaada, annagu dalkayaga waannu difaacnay, cadow dhow iyo mid shishaba waannu iska difaacaynaa, waxaannu leenahay awood Ciidan oo aannu ku kalsoonnahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo sii watay jawaabta uu ka bixiyey eedaha indho-la’aanta ah ee ka soo yeedhay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirro ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland.


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka jawaabayey baaqa ay Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Maraykanka iyo Ingiriisku ku soo jeediyeen inay Somaliland dib uga soo qaaddo Ciidankeeda deegaannada xadka ku dhaw, waxa uu yidhi; “Beesha caalamka umaannaan dhaaran ee dalkayaga ayaannu u dhaarannay, dalkayaguna xuduudo ayuu leeyahay, kana noqon mayno, dibna uga soo qaadi mayno (Ciidanka) ee dhiggayaga ayaannu ku difaacaynaa dalkayaga.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment