Thursday, June 5, 2014

Wasiir Xirsi Oo Maanta $100,000(Boqol Kun) Ku Wareejiyey Guddida Waddada Balligubadle iyo Hargeysa Isku Xidha Gacanta ku Haysa

Hargeysa:June,05,2014(Himilo)-Wasiirka Madatooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wafti Ballaadhan oo uu Horkacayo, ayaa Maanta si rasmi ah Boqol Kun oo Dollar ugu wareejiyey Waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Balli-gubadle oo Haatan Meel Fiican Maraysa.

xirisiWaftigan wasiirku watay ayaa wax aka mid ahaa Maareeyaha Hay’adda Wasiirka Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, Xildhibaan Kijaandhe iyo Waliba Guddida sida rasmiga ah Gacanta ugu Haysa Waddadan.

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi oo deeq lacag ah oo dhan 100,000 Dollar  ku wareejiyey Gudoomiyaha Dhismaha wadada Baligubadle ilaa Hargeysa ayaa sheegay in himiladoodu tahay in ay mar walba ka dhabeeyaan dhismaha iyo taabogelinta Wadooyinkii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay muddadii uu Xilka Madaxweyne-nimo Hayey.

 

Wasiir Xirsi ayaa Halkaas ka sheegay inaanu inta Itaalkiisa ah waxba ka Hagranayn sidii ay waddadu u dhamaan lahayd, isla-markaana uu diyaar u yahay waxkasta oo karaankiisa ah inuu kaga qayb qaato dhamaystirka Dhammaanba waddooyinka laga wado Somaliland.

 

Xubno kale oo Halkaas ka Hadlay oo ay ka mid ahaayeen Qurbe-joog iyo Guddida Gacanta ku Haysa Waddada ayaa si weyn u soo Dhaweeyey Deeqdan ka timi Wasiirka, waxana ay xuseen inay abaalkeeda u hayn doonaan, isla-markaana si daacadnimo leh ugu wadi doonaan Shaqada waddada iyo Qabyo tirkeedaba.

 

 

Himilo Meida

No comments:

Post a Comment