Hargeysa, 12 June, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md Cali Siciid Raysal, ayaa maamulka dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa ku wareejiyey Qalab-ciyaareed oo Jaamacadda Alpha ugu deeqday dugsigaas.
Munaasibad kooban oo xarunta Jaamacada Alpha ee magaalada Hargeysa loogu qabtay wareejinta qalabkan, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, gudoomiyaha jaamacada Alpha Prof Cabdiraxmaan Maxamed Maal iyo Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali.
Gudoomiyaha Jaamacada Apha oo ugu horeyn hadal kooban ka jeediyey madasha qalabka ay ugu tala- galeen dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, ayaa sheegay inay agabkani ka mid yahay qorshe Jaamacaddu ugu talo-galay dhiirri-gelinta dhalinyarada Somaliland, waxaanu tilmamay inaanay ahayn markii ugu horaysay ee jaamacaddu taageero ka geysato waxyaabaha dhiiri-gelinta u ah dhalinyarada waxaanu yidhi, “Maanta waxaynu halkan iskugu nimi inaanu qalab dhinaca ciyaaraha ah guddoonsiino Wasiirka ciyaaraha Somaliland, qalabkaas oo uu ku wareejin doono maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. Iyada oo masuuliyadayadu tahay dhinaca waxbarashada, ayaanu haddana dhinacaas u jeedsanay si aanu Wasaaradda iskaga kaashano si aanu u wada dhisno dhalinyaro iyo bulsho caafimaad qaba, qalabkana maaha kii ugu horeeyey ama kii ugu danbeeyey, waxaanan rejaynaynaa inaanu dugsiyo kale guddoonsiin doono qalabkan oo kale. Waxaan wasaarada iska kaashaynaynaa sidii dhalinyarada loogu jihayn lahaa waxyaabaha wanaagsan.”
Wasiirka Dhalinyarada, Dalxiiska iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo isaguna ka hadlay munaasibadda, waxa uu jaamacada Alpha uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin dhalinyarada Somaliland, waxaana hadalladiisa ka mid aha, “Aad ayaan ugu mahad naqayaa jaamacada Alpha wax-qabadka iyo qalabkan ay ugu tala-galeen dugsiga Maxamuud Axmed Cali, waxaanay tusaale u tahay in dhalinyarada wax lala qabto oo laga taageero waxbarashada iyo ciyaaraha, qof walibana wixii uu kari karo uu taro, waxaanay tani cadaynaysaa inaanay dhalinyaradu ahayn wax la kala leeyahay ee qof waliba uu waajib ka saaran yahay wax u qabashooda,” ayuu yidhi wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal.
Ugu danbayntiina, Cali Balayax oo ah maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo isaguna ka hadlay deeqdan loogu tala galay ciyaartoyga dugsigaasi ee jaamacada Alpha gudoonsiisay, ayaa sheegay in jaamacadda uga mahad-celiyey deeqda ay dugsiga ku taakuleyeen, isaga oo sheegay inuu wax badan ka tari doonto baahida ay ciyaartoyga dugsigaasi u qabaan inay helaan qalab ciyaareed ku filan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment