Hargeysa, 10 June, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shalay xadhigga ka jaray 5 Kiilomitir oo ka mid ah dhismaha Waddada Cad ee oo Isku Xidhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, waxaanu dhagax-dhigay 15 KM oo kale oo shan ka mid ah xukuumaddu hirgelinayso, halka tobanka kale ay iska kaashanayaan dadka deegaanku.
Munaasibadda xadhig ka jarista 5-ta KM ee waddadaas oo Xukuumaddu hirgelisay, lagu qabtay deegaanka Toon ee Koonfur/Bari magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay wasiirrada Madaxtooyada, Warfaafinta, Wasiirul-dawlaha Madaxtooyada, Salaadiin, Xildhibaanno iyo Guddiga Gacanta ku haysa dhismaha waddadaas.
Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka gudidda dhismaha Waddada Cad Sh.Maxamed Cali Geedi, ayaa sheegay in dhismaha jidka la gadhsiin Doono Banka Qool-cadey oo u dhexeeya Toon iyo Sallaxley, isaga oo Xukuumadda uga mahad-celiyey taageerada ay la garab-taagan tahay.
“Waxa farxad wayn inoo ah inuu nala joogo wasiirkii wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo wasiiradii kaleba taas oo aynu maanta dhagax dhignay 15toban Kiilomitir oo danbe. Shan waxa dhisaysa Dawlada, toban-na waxa dhisaysa Beesha. Waddadu waxa ay gaadhaysaa Qool Caday oo ah bankii, waxaanu aadna ugu mahad naqaynaa dawladda oo ku sii jeedda dhinicii waxqabadka. Waxa ay na siisay Shan Kiilomitir oo hore, maantana (shalay) waxa ay na siinaysaa shan danbe, waxaan leenahay dawladdan mooyaane maynaan arag dawlada kale oo wax qabanaysa,” ayuu yidhi Sh Cali Maxamed Geeddi.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo halkaas ka hadlay, ayaa xukuumadda ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto waxqabadka dalka. “Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Qofkasta waa xukuumad Qof kasta oo wax keensada waxa ugu daraysa waana wax Illaahay loogu mahad naqo, xukuumadda maanta talada dalka haysaana waa xukuumaddii wax-qabadka laakiin xukuumadihii ka horeeyay waxa ay ahayeen qaar iyagu isku filan uun, laakiin tani waa cid walba deeqa,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay muhiimadda dhismaha waddooyinka ugu fadhiyaan shacabka, waxaanu yidhi,“Degaankani waxa uu madaxwaynaha Somaliland mahad gaar ah ugu hayaa sida uu markasta ugu dedaalo waxna ugala qabto iyo sida ay xukuumaddu markasta ugu dhiirato sidii ay wax ugu qaban lahayd, waxaan u sheegayaa shacbiga iyo deegaanka siiba inta kale ee wax ka gaysan kartaba in gacan midaysan ku qabtaan waddadana dhamaysatiraan.”
Gunaanadkii munaasibadda, waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay dhiirri-gelinayso isla markaana ay kala-qayb qaadanayso cid kasta oo wax qabsata, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Runtii aad ayaan ugu faraxsanay waddadan iyo sida wanaagsan ee loo wadaba, waxaanan leeyahay halkaasi kasii wada oo dedaalkaasi yaanu idinka xumaan. Waxaa aad ugu mahadnaqayaa guddida waddada oo iyaguna dedaal badan iyo juhdi badan galisay, waxaana muuqata inaad labaatan Kilomitir iyo Waxoogaa aad dhamayseen. Sidaanu hore u sheegnay, anagu ka dawlad ahaan sidaad u dadaashaan ayaanu ula dedaalaynaa cid kasta oo wax-qabsata,”: ayuu yidhi wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment