Tuesday, June 10, 2014

Wejiga 6aad ee Shirka Qaadhaan-bixiyeyaasha & Xukuumadda Somaliland oo Hargeysa ka furmay iyo Nuxurka Qodobbada Diiradda lagu daarayo




Hargeysa, 10 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay Shirweynaha lixaad ee Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinacyada Horumarka iyo Doorashooyinka, kaas oo ay goob-joog ka ahaaayeen in ka badan 70 Sarkaal oo ka socday hay’adaha iyo Safaaradaha dalalka Reer Galbeedku ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


IMG_0021Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xoogga lagu saarayo wejiga 6aad ee shirka Qaadhaan-bixiyaasha iyo Somaliland, waxa ka mid ah doorashooyinka la filayo sannadka dambe inay ka qabsoomaan dalka iyo sidii dib loogu eegi lahaa mashaariic horumarineed oo Somaliland loogu qoondeeyey shirweyne Sannadkii hore ka dhacay Xarunta Midowga Yurub ee Brussels, kaas oo lagu kala saaray mucaawimooyinka beesha Caalamku ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya. 


Shirweynahan oo sannadkiiba laba jeer la qabto ujeeddadiisuna tahay is-xogwaraysi iyo dejinta qorshayaasha wax-qabad ee hay’addaasi ku taageeraan Somaliland oo shalay ku qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, xubno ka socday Ururrada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale halka dhinaca todobaatanka ah ee ka socday ay ka mid ahaayeen Siddeed Safiir oo ka socda Safaaradaha dalalka reer Galbeedka ee Nairobi, Madaxa hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Ingiriiska ee DFID, Xidhiidhiyaha Gargaarka Hay’adaha Qaramada Midoobay, Madax ka socotay Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Qaaradda Afrika.


Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa kulankaas ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu kaga hadlay xidhiidhka wada-shaqayneed ee Xukuumaddiisa iyo hay’adaha Caalamiga ah, waxaanu u ballan-qaaday inay xukuumaddiisu masuuliyad iska saarayso fulinta iyo dhammeystirna barnaamijyada horumarineed ee beesha Caalamku ku caawiso Somaliland.


Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo warbaahinta uga warramay ujeeddada shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda wax-qabadkooda lagaga hadlayo shirkan oo muddo laba maalmood ah socon doona.


“Shirkaasi waa shir muddo soo socday, wuxuu bilowday 2011-kii, ujeeddadiisuna waxa weeyey in marka laysku yimaaddo lays-waraysto oo la go’aamiyo wixii ku saabsan siyaasad iyo qorshe la xidhiidha mucaawimooyinka hay’adaha deeq-bixiyeyaashu ina siiyaan iyo in innaga laftigeennu u warrano wixii aynu qabsannay, wuxuu qorshaheenu yahay iyo wixii inoo mudan si ay ugu tix-geliyaan qorshahooda mucaawimo ee xilliga soo socda,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland.


Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxyaabaha qorshaha inoogu jira ee aynu doonaynayo inay gacan inaga siiyaan way ku jiraan doorashooyinku. Sidaad la socotaan madaxweynuhu wuxuu dhowr jeer ku celiyey in dawladda uu hoggaaminayo ay ka go’an tahay in doorashadu ay inoo qabsoonto 2015-ka. Sidii doorashooyinkii horeba, waxaan rejaynaynaa inay gacan innaga siiyaan deeq-bixiyeyaashu, arrinkaasna waa lagaga hadli doonaa.”


“Innaga iyo Deeq-bixiyeyaashu waynu wada shaqaynaa, haddii la wada-shaqeeyana waxa loo baahan yahay in meel laysugu yimaaddo oo lays waraysto oo wixii khaldan la saxo, wixii sax ahna halkaas laga sii wado,” ayuu yidhi Wasiirku.


Dr Sacad Cali Shire oo la weydiiyey waxyaabaha Somaliland uga soo baxay wejiyadii hore ee Shirkan, waxa uu ku jawaabay, “Waxyaabaha ka soo baxay waxa ka mid ah Shirarkaas aynu hore u gallay, Deeqda loogu talo-galay horumarka Somaliland (Somaliland Development Fund) ee ay innaga Caawiyaan Ingiriiska iyo Denmark. Shirkan oo kalena waa halka uu ka bilaabmo qorshaha sannadka soo socda. Mashaariicda hadda socotana waxa laga soo unkay shirarkii hore ee sidan oo kale laysugu yimi.”


Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo la weydiiyey waxa uu shirkani kaga duwan yahay shirarkii hore, waxa uu ku jawaabay, “Halkan waxa ugu weyn ee doorkan lagaga hadlayaa waa mashruucii u Gaarka ahaa Somaliland ee sannadkii hore lagu ansixiyey shirkii ka dhacay Brussels, waxaana lagaga hadlayaa muddadii ka dambaysay wixii ka qabsoomay iyo Mustaqbalka waxa uga qorshaysan deeq-bixiyeyaasha,” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.


Himilomedia.com           


 


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment