“Shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka..” Madaxweynaha Qaranka Somaliland
Hargeysa, 17 June, 2014(Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku dhawaaqay mawqif uu ku caddeeyey sida Xukuumadda, Golayayaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasadda iyo Shacabka Somaliland ugu midaysan yihiin difaaca qaddiyadda, dalka iyo dadka Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inaanay cidna uga tanaasuli doonin sugidda ammaanka waddanka.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Kulan shalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo uu ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kaas oo ay isugu yimaaddeen Shir-guddoonka labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland.
Waxa uu Madaxweynuhu kulankaa ka akhriyey qoraal kooban oo lagu caddeeyey Mawqifka Qaranka Somaliland ee Baaqyada Beesha Caalamka iyo duullaanka Malleeshiyooyink Khaatumo iyo Puntland ku hayaan deegaanno ka tirsan gobolka Sool ee dalka Somaliland.
Madaxweynuhu qoraalkaas waxa uu ku yidhi, “Maanta (shalay), kulankan aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay in aynu mawqifkeenna Qaran ahaan iyo Ummad ahaanba u caddayno Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo Danaynaysa. Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad-ku-wada noolaanshaha iyo degganaanashaha mandaqadda oo aannu aamminsannahay in ay cid walba dani ugu jirto.
Waxaannuse kor iyo hoosba u sheegaynaa in ay qaddiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, Xisbiyo, Barlamaan iyo shicibba in aannu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland.
Waddamada aannu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaannu jecelnahay in aannu nabad ku wada noolaanno, mana oggolin faro-gelin dabadeed mid siyaasadeed iyo mid Millateri toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah. Shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka.”
Qoraalka uu Madaxweynuhu kulankaa ka akhriyey waxa dheeraa hadal kooban oo uu qoraalkiisa ku ladhay, waxaanu yidhi; “Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo maaddaama aannu isugu nimi Madaxdii Qaranka oo dhan halka kan xaaladda dalka ka taagan ee aynu ognahay ee Bariga ka taagan, Ciidammadeenna Qaranka, mawqifka ay qaateen iyo guulaha ay soo hooyeen iyagana aan Hambalyo ballaadhan u diro. oo sidaa aynu sheegnayna aannu dadkeenna iyo calaamkaba u caddayno annagoo mar walba jecel inaan mawqifkayaga la fahmi waayin, inaannu dalkayaga iyo daafacaaddiisa Qaranka oo aan cidna ku xad-gudbayn, cidna dhibaato u geysanayn, aan qaddarinna u hayno dadka, dawladaha, ummadaha iyo gobollada jaarkayaga ah intaba. Laakiin, aannaan uga tanaasulayn qaddiyadda Somaliland iyo difaaca Qarannimada Somaliland Somaliland midna.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Qarnaka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment