Tuesday, June 17, 2014

Golayaasha iyo Xisbiyada Qaranka oo si midaysan ugu dhawaaqay Go’aan Gilgilay Cadawga Somaliland




 


“Waxaannu maqlaynaa Ciidammo dal kale ka yimi ayaa soo galay Xuduudda, waa khasban yahay Madaxweynaha, dawladdiisa iyo ..” Guddoommiyaha Guurtida


 


“Qaranka Somaliland isagaa ka masuul ah maamulka dalkiisa, ilaalinta xuduudihiisa iyo ilaalinta xuquuqda shacabkiisa..” Guddoomiyaha Wakiillada


 


“Cidna uga haybadaysan mayno, dawladana innagu amri maayaan dalkeenna inaynu ka baxno.” Muuse Biixi.


 


“Waxaan leenahay dadkeenna reer Somaliland ee deggan aagaggaas hadalkani idinkuma socdo, wuxu ku socdaa cadawga khariiradaha cusub samaystay..” Faysal Cali Waraabe


 


Hargeysa, 17 June, 2014 (Himilo)- Madaxda Golayaasha Baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa si midaysan shaaca uga qaaday inay Somaliland diyaar u tahay difaaca dadkeeda iyo dalkeeda, isla markaana aanay cidna ka oggolaan doonin inuu Qarankani ka baxo qaybo waddankiisa ka mid ah.


Kulan shalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay isugu yimaaddeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo), Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Shir-guddoonka labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa Madaxweynuhu kaga dhawaaqay, Masuuliyiinta kale ku taageereen Mawqifka Qaranka Somaliland ee ku waajahan difaaca dalka Somaliland, gaar ahaan xiisadda wakhtigan ka taagan gobolka Sool oo ay Ciidanka Qaranka Somaliland iskaga difaaceen Malleeshiyooyinka maamul-goboleedka Puntland iyo Kooxda la baxday Khaatumo.


Hadalka Madaxweynuhu Mawqifka Qaranka ku caddeeyey ka dib, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalka la wareegay waxa uu yidhi; “Qaranku waa mid, waxaana hoggaamiya Madaxweynaha, Madaxweynihii Qaranku waa yidhi, intaa uu Madaxweynuhu yidhi bay ku dhan tahay, Madax kale iyo Qaran ahaanna intaasaannu ku raacsannahay, intaasaa Madaxweynaha iyo dawladdiisa lagu wada-garab taagan yahay, wixii loo baahdana dad iyo duunyaba waa loo diyaar.”


Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in la sheegayo in Ciidamo dalka soo galeen, waxaanu yidhi; “Waxaannu maqlaynaa Ciidammo dal kale ka yimi ayaa soo galay Xuduudda, waa khasban yahay Madaxweynaha, dawladdiisa iyo Giddigeen-ba inaynu difaacanno, maaha waan kugu garab-taagannahay ee waxa weeye Madaxweyne nagu hoggaami Madaxweyne intaa aad tidhi uun baannu annaguna fulinaynaa oo kugu garab-taagannahay.”


Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inay go’aanka Madaxweynuhu akhriyey yahay mawqifka Qaranku wada gaadhay. “Kulankan maanta (shalay) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhay Madaxda Qaranka iyo Asxaabta Qaranka, loogana xog-warramay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xaaladda ka taagan Sool, waxa uu Qaranka oo uu hoggaaminayo Madaxweynuhu uu qaatay mawqif isku mid ah oo ah in lagu taageero Qaranka, Xukuumadda iyo Ciidammada-ba difaacidda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.


Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Qaranka Somaliland isagaa ka masuul ah maamulka dalkiisa, ilaalinta xuduudihiisa iyo ilaalinta xuquuqda shacabkiisa, sidaa daraaddeed, go’aankaa uu akhriyey Madaxweynuhu wuxu ahaa mawqifkii aannu wada-qaadannay, waanannu taageersannahay. Shacabkana waxaannu u soo jeedinaynaa inay ammaanka dalkooda ilaashadaan, midnimadoodana ilaashadaan, Qarankoodana difaacaan.”


Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay maanta tahay maalintii loo midoobayey difaacidda Qaranka, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) Shirkani waxa uu ahaa Shir Qaran oo lagu difaacayo Qaranka oo soo duulay. Shicib, Xukuumad iyo Asxaab dhammaanteen waxa innagu waajib ah inaynu dalka daafacno, Madaxweynuhuna innagu hoggaamiyo. Waa maalintii la midoobayey, wixii kale oo dhan halkanaa la dhigayaa, maanta difaaca Qaran baynu ka midaysannahay.”


Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inaanay Somaliland cidna kaga haybadaysanayn difaaceeda, isla markaana aanay dawladina ku amri karin inay dalkeeda ka baxdo. “Madaxweyne Xisbiyo iyo Shacab-ba waannu kugu daba-taagannahay ee nagu hoggaami sidii dalka loo daafacayo, cidna uga haybadaysan mayno, dawladana innagu amri maayaan dalkeenna inaynu ka baxno.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalka uu kulankaas ka jeediyey inay tallaabadani farriin cad u tahay cadawga Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Arrintan aynu maanta (shalay) isugu nimi waa arrin muqaddas ah, waxa weeye difaaca Qaranka, hadalkaa Madaxweynuhu yidhina waannu taageersannahay haddaannu nahay Xisbiga UCID iyo Asxaabta kale-ba. Waxaanay (tani) tahay farriin adag oo aannu u dirayno Mushtamaca adduunka oo aannu leenahay hadaannu nahay ummadda reer Somaliland ee Qarannimadooda 23-ka sano haystay, waxaannu maantana diyaar u nahay inaannu dhiig cusub u hurno sidii loo hirgelin lahaa midnimada iyo gooni-isu-taagga Somaliland.”


Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inaan farriintan loola jeedin dadka deegaannadaas deggan ee reer Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan leenahay dadkeenna reer Somaliland ee deggan aagaggaasna hadalkani idinka idinkuma socdo, wuxu ku socdaa cadawga Shisheeyaha ah ee khariiradaha cusub samaystay ee doonaya fidmadii ay Soomaaliya ka wadeen inay xaggan u soo beddelaan oo markay ka soo jeesteen Soomaaliya Somaliland u soo jeestay. Hore ayaan u sheegay oo waxaan idhi annagu (Somaliland) Dhabar la cuno ayaannu leenahay ee Shaf la cuno ma lihin.”


Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan oo ay taageerayaan Mawqifka Madaxweynaha, Golayaasha iyo Xisbiyada Qaranka. “Sidaa Madaxweynuhu sheegay ee Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Wakiillada iyo Saddexda Xisbi Qaran isku raaceen haddaan ka soo jeedo Beesha Bari ee Sool iyo Sanaag mawqifkaa Madaxweynuhu qaatay baannu qaadannay, dalka annagaa iska leh, cid kale talo kala qaybsanaynaa ma jirto, annagaa ku raalli ah,” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.


Waxaanu Baashe Maxamed Faarax intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Markaa, shacabka Somaliland ee Bariga jooga waxa weeye maanta duullimaad baa la innagu soo qaaday, waxaynu daafacaynaa waa dalka Somaliland, waana loo midaysan yahay oo cid innaga maqani ma jirto, mawqifkaa Madaxweynuhu qaatayna waannu qaadanaynaa oo waan kugu garab-taagannahay Madaxweyne.”


Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo gebo-gabadii kulankaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Anigu waxaan si kal iyo lab ah u bogaadinayaa Ciidammada Qaranka oo runtii waajibaadkoodii dheeraad ku daray oo u badheedhay dhul adag oo imtixaan adag lagu mari karo inay ka soo jeestaan oo ka daafacaan Qaddiyadda Somaliland, ciddii kale oo dhamina ka erdhawdo oo ka cararto, kuwaasaa ammaan leh, kuwaasaa bogaadin leh, Cidammada Qaranka ee sidaa sameeyey ayaa wax-tar iyo gacan-siin u baahan.”


Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo yidhi, “Maanta (Shalay) waa maalin taariikhi ah, waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay Madaxdii Qaranka oo dhan, Xisbiyadii Qarankaa jooga, Golayaashii Qaran baa dhan, waa guul wayn, wakhtigii Somaliland meel kasoo hillaaci jirtay baa la gaadhay, dadkii ku qaldami jirayna waa qaldamayaanoo inaynu is-haynay moodayaan,  inta Somaliland u baratayna waa taqaanna marka marxaladdaa la gaadho waa la midaysan yahay, hal meel baa laga soo wada jeedaa, qaddiyad baa la wada xambaarsan yahay, qorigaa la wada sitaa la wada qaadanayaa, taasna ninka aan Somaliland weligii baranayn ee damiin ah yeelkii.”


“Laakiin, ciddii taqaannay way aragtaa maanta in la isu yimi, Madaxdii Qaranka oo dhami codkooda dhiibeen, lana yidhi difaaca Qaranka waa loo midaysan yihiin, siyaasiddii yarayd, hunnu-hunnidii yarayd iyo dhinac-ka-tuurkii tan maantaa ku leefaysa, safad cusub baynu furaynaa wixii maanta ka bilaabma, waxaana lagu wada-hadlayaa af keliya, waxaana la wada daafacayaa Qaranka,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment