Xildhibaanka oo Maanta Xarunta Golaha wakiillada kula hadlayey Warbaaahinta ayaa inaanu xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta madaniga ah ee uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo uu yahay mid ka baxsan sharciyaddii madaxweynaha.Waxa uu xildhibaanku tilmaamay in awoodda xeer-nidaamiye lagu soo saaraa ay tahay mid ay iska leeyihiin Golaha wakiilada Somaliland,
“Waxan ku tilmaami karaa nadiib darro in madaxtooyadu la wareegto hawshii xeer dejinta, Beryahanba waanu maqlaynayey in wasaaradda Daakhiligu ay waddo Diwaangleinta madaniga ah, waxase aanu filaynay in xeerkii Diiwaangelinta madaniga golaha la keeno si loo ansaxiyo diiwaangleintana loogu dhaqo xeerkaas Golaha ka soo Baxa, waxase muuqata in laga maarmay Hay’adihii Xeer-dejinta, sababtoo ah waxa halkan yaalla xeer uu soo saaray madaxweynuhu oo jidaynaya diiwaangelinta madaniga ah.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.
Xildhibaanka ayaa faahfaahin ka bixiyey Hannaanka uu madaxweynuhu u soo saari karo Xeer-nidaamiye iyo Marka uu xaq u leeyahay inuu saaro, waxana uu yidhi,
“Madaxweynaha iyo wasiirku way soo saari karaan xeer nidaamiye laakiin waxay soo saari karaan marka uu jiro xeerkii la nidaaminayey ee Golayaashu sharcidejintu ay soo saareen, waxana uu noqon karaan nidaam lagu dhaqan gelinayo xeerka ka soo baxay labada Gole, madaxweynuhunna uu saxeexay oo sharci ah oo uu amrkaa xeerkaasi awood u siiyo madaxweynaha ama wasiirka inuu soo saaro Xeer-nidaamiye uu ku dhaqangelinayo.”
Ibraahim Cali Rayte ayaa xusay inay u egtahay in madaxweynaha si ku talo-gal ah loo hoos dhigay soo saarista xeer-nidaamiyahan oo aanu kas u soo saarin, maadaama aanu hore caadooyin ugu lahayn inuu soo saaro wax Golaha wakiillada shaqadooda la xidhiidha, waxana uu yidhi,
“Maanta waxa muuqata iyadoo aanay jirin xeerkii diiwaangelinta madaniga ahi in madaxweynuhu soo saaro waxa lagu magacaabay xeer-nidaamiyo oo run ahaantii ah xeerkii Baarlamaanku ansaxin lahaa, waanan akhriyey oo ma jiro wax xeer ah oo xeerkani nidaamimayo oo uu tixraacayo, arrintaasna waxad mooddaa in loo hoosgeliyey, waayo dhaqan uma lahayn inuu soo saaro xeer aanu Baarlamaanku ansaxin, waxana aanu ugu baaqaynaa inuu xeerkaas la noqdo oo la hor keeno Golaha wakiillada.”
Waxa uu ku adkaystay in Diiwaangelinta Madania ahi ay tahay Tallaabo qaranka muhiim u ah, isla-markaana loo baahan yahay in sees adag loo dhigo,
“Diiwaangelinta Madaniga ah wax aka dhalanaya Tallaabooyin sharci ah, balse hadii aanay aasaaskoodii hore aanu sharci ku ssalaysnayn ma yeelan doonaan awood sharci oo dadka ku waajibinaya in tallaabooyinka loo baahan yahay ay fuliyaan.” Ayuu yidhi Xildhibaanku, waxana uu isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray,
“Hadda waxay arrintu u muuqataa in diiwaangelintii Madaniga ahayd lagu xidhayo tii codbixiyayaasha, xeerkii diiwaanglinta madaniga iyo kii codbixiya-yaashana midina ma soo bixin.”
Xeer-nidaamiyahan uu madaxweyne Siilaanyo soo saaray ayaa faahfaahinaya sida loo qabanayo Arrimaha Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha, waxanna uu sidoo kale tilmaamayaa tallaabooyinka iyo waajibaadka ay arrintaasi leedahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment