Qoyskan ayaa ka koobnaa Toban qof, kuwaas oo muddo Toddobaad ka hor ah ku Sumoobay cunto ay cuneen, waxana Haatan Geeridooda la xaqiijiyey Toddoba ka mid, halka xubno kale oo ka mid ahi wali ku jiraan xaalad hali ah.Qofkii ugu dambeeyey Todobada qof ee dhintay ayaa saaka ku Geeriyooday Cisbitaaka Kaysaney ee Degmada Karaan oo uu muddo ugu ku jirey.
Qoyskan ayaa waxaa la sheegay iney raashiin ay cunayeen ku isticmaaleen saliid lagu soo shubay caag markii hore sunta waraabaha lagu keenay oo aan si fiican loo maydhin.
Xubnaha haatan ka sii Nool Qoyskan Masiibadu ku dhacday ayaa dhamaantood ku jira Xaalad aad u liidata, waxana aan muuqanin wax rajo ah oo ku Badbaadi karaan, maadaama aan wax daaweyn ah oo Natiijo keeni karta aanay helin.
Shacabka ku dhaqan deegaanada ay dadkani ku noolaayeen ayaa si weyn u anfariirsan, waxana wali dadka ka muuqda naxdinta iyo baqaha ay ka qaadeen dhacdadan ugubka ah ee Halkaas ka dhacday.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment