Hargeysa, 12 June, 2014 (Himilo)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si adag u dhaliiley hab-dhaqanka iyo sharciyadda ay guddiga diwaangelinta Ururrada ku dhisan yihiin iyo Xeer-nidaamiye madaxweynaha Somaliland dhowaan dhaqan-geliyey.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo Xoghayaha Siyaasadda ee xibsigaas Maxamuud Raage Ibraahim oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa ay kaga hadleen sharcinimada xeer-nidaamiye madaxweynuhu dhowaan dhaqan-geliyo iyo sharcinimada dhismaha guddiga diiwaangelinta iyo Arrimaha Axsaabta Qaranka.
Xoghayaha Guud ee Waddani waxa uu sifo shuruucda dalka baalmarsan ku tilmaamay hirgelinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo uu sheegay inaan weli la horgeyn hay’adaha sharci-dejinta xeerkii loo tixraaci lahaa dhaqan-gelinta madaxweynuhu ku meelmariyey xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta.
“Waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalno arrimo wakhtiyadan dambe isa soo tarayo oo xukuumaddu waddo oo ay ugu horreyso xeerka diiwaangelinta madaniga ah ee madaxweynuhu dhaqan-geliyey, waxaanu WADDANI ahaan u aragnaa inuu xeerkaasi yahay sharci-darro, madaxweynuhuna aanu xaq u lahayn, kuna tumanaayo shuruucdii iyo nidaamkii dalkani lahaa, iyadoo ay ahayd xeer markay tahay in la soo mariyo goleyaasha sharci-dejinta, ka dibna madaxweynuhu saxeexo,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Waddani.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxay ku magacaabeen xeer-nidaamiye, xeer-nimaadiyuhuna xeer hore u jiray ayuu tix-raacaa, horena umuu jirin xeer diiwaangelin ah oo dalka loo sameeyey. Immikaa la samaynayey, haddana waxay ahayd in Goleyaasha la soo mariyo, ka dib-buu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu xeer-nidaamiye sameeyo oo uu tix-raaco. Xeer-nidaamiyaha madaxweynuhu soo saaray xeerka uu tix-raacayaa halkuu ku yaalaa, goormaa la soo saaray?
Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani, waxa uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay ka waan-towdo waxa uu ugu yeedhay ku-tumashada shuruucda iyo qawaaniinta dalka ee ay caadaysatay.
“Waxaanu u sheegaynaa xukuumadda in hay’adihii qarankani lahaa aanay sidaas ku shaqeyn karayn, maadaama ay garsoorkii waraaqo u qorayaan wasiirradii, maadamaa oo hay’adihii sharci-dejinta iyo shuruucdii ay xaqa u lahaayeen layska soo saarayo oo aanay jirin wax loo tix-raacayo oo hore u jiray.
Shuruucdii iyo wixii umaddan u dejisnaa ee Xisbiga Kulmiye ugu yimi inuu ka burburiyo maaha wax aanu yeelayno oo u dul-qaadanayno.”
Xukuumadda maanta xisbigeedii xalin kari wayday, u malayn maayo inay xalin karto doorashooyinka soo socda oo ay hagi karo, haddii aanay wax ka beddelin sida ay hadda ku shaqaynayso,” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde.
Dhinaca kale, Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamuud Raage Ibraahim, waxa uu sharci darro ku tilmaamay guddida diiwaan-galinta Urarada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo uu sheegay inay muddo dhaaftay xilligii loogu talo-galay dhismaheeda.
“Waxaad ogtihiin Ururkan loogu tala galay diiwaangalinta Ururada iyo ansixinta Xisbiyada Qaran in uu muddo dhaafay oo uu dhacay oo uu wakhtigiisii dhamaaday oo todoba Cisho isaga oo dhacsan ay soo hambabareen oo ay isku dayeen in ay golaha wakiilada ay miisaaniyad uga Ansixiyaan oo laga soo diiday oo aanu miisaaniyad qaranka Somaliland aanu ku lahayn shaqadii loogu tala galayna uu gutay oo ahayd kala reebida shan iyo tobankii urur ee Somaliland ka jiray,”ayuu yidhi Maxamuud Raage Ibraahim.
Xoghayaha Siyaasada Xisbiga WADDANI waxa uu ku eedeeyey Xukuumadda inay wejiyo siyaasadeed u adeegsanayso jiritaanka Gudida Diiwaan galinta Ururrada, waxaanu yidhi, “Hada waxaa loo haystaa waa urur loogu tala galay in uu la tartamo Komishanka oo shaqada Komishanka uu qabto, waa urur loogu tala galay in uu ka qayb qaato muddo kordhinta sidii uu u gaadhay go'aanki baadilka ahaa go'aankii baadilka ahaa ee uu qasriga madaxtooyada lagu gaadhay ee isaga la daliishaday isaga oo sharci ku fadhiyin.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaa la daliishan karaa in uu ururku uu ku fadhiyo Mandate (Sharciyad loo oggolyahay ) oo uu sharciyad uu leeyahay oo golaha laga soo ansixiyo ku fadhiyo,” ayuu yidhi Xoghayaha Siyaasadda ee Waddani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment