Hargeysa, 18 June, 2014 (Himilo)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa ku baaqay in la kordhiyo tirada Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, isla markaana tiro siman laga siiyo saddexda Xisbi Qaran ee dalka ka jira.
Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbiga labaad ee Mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa labadooduba soo jeediyey in Xisbiyadu ay tiro siman oo isku mid ah ka helaan xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, maaddaama oo cidda tartamaysa ee loo garsoorayaa yihiin saddexda Xisbi ee dalka ka jira.“Anigu waan ku raacsanay Axsaabta soo jeediyey in wax laga beddelo sidii Guddiga loo qaybsanayey, sababta oo ah saddex Xisbi oo la yidhi waad tartamaysaan ayaa midna la yidhi saddex Xubnood baad magacaabaysaa, midna la yidhi qof qudha ayuun baad magacaabaysaa, yar qalad bay ahayd, markii horena inay oggolaadaan Asxaabtii hore runtii may ahayn. Waanan ku raacsanahay in wax laga beddelo.” Sidaa waxa yidhi Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo waraysi siiyey Horn Cable TV shalay.
Waxaanu Jamaal oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Guddiga doorashooyinka wakhtigoodu waa soo dhaw yahay, in hannaankii ama tallaabadii la qaadi lahaa ee cid waliba ciddeeda ku soo magacaabi lahayd iyo sidii wax looga beddeli lahaa ayaa la gaadhay, sababta oo ah dee Bisha October waa inay Guddigii dhammayd innoo taagan tahay, diiwaangelintuna ay sideeda innoogu bilaabanto, immika tijaabo ayaa la bilaabayaa bishan 21-keeda, waanay wanaagsan tahay in dadka tartamayaa ay si siman wax u soo wada magacaabaan oo Axaabta Qaranku ay wax soo wada magacaabaan ayay, sidaas ayuu wanaaggu ku jiraa.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiniciisa arrintaas ka hadlay, isla markaana dalbaday in sagaal xubnood laga dhigo tirada Guddiga doorashooyinka Qaranka oo hadda ka kooban toddoba xubnood oo aan qaabka magacaabistoodu isku dheelli-tirnayn.“Waxaan soo jeedinaynaa in Xubnaha Guddiga doorashooyinka laga dhigo Sagaal (9) Xubnood. Waxaan waayo-arag u nahay inaan toddobada xubnood ku filnayn xilli doorasho, iyada oo loo baahn yahay in Xubnuhu u kala baxaan dhammaan gobollada dalka. Xarunta waa in ay joogaan ugu yaraan saddex Xubnood si ay u sahlanaato xil-gudashada culus ee xilli doorasho.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo khamiistii toddobaadkii hore hadal ka jeediyey Munaasibad Xisbigaasi ku soo dhaweeyey Siyaasiyiin ku biiray oo lagu qabtay Hargeysa.
Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo soo jeedinaynaa in Xisbi kastaa soo magacaabo 3 xubnood, loona miisaamo dhammaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Arrinta Komishanka (Guddiga) doorashooyinka Qaranka waxaan soo jeedinaynaa in Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku kulan wada-tashi ah dhakhso isugu yimaaddaan.”
Tirada ay ka kooban yihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee hadda shaqeeyaa waa toddoba xubnood oo ay soo kala magacaabeen Golaha Guurtida oo laba xubnood keenay, Xubin KULMIYE magacaabay, Xubin UCID magacaabay iyo saddex xubnood oo uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, bishii October 2009-kii, kuwaasoo ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen cod-gacan-taag ah 24 October 2009, ayaa sharciyan wakhtiga ay tahay inay shaqeeyaan dhan tahay muddo shan sano ah, waxaana wakhtigooda sharciga ahi ku dhammaanayaa 24 October sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka.
Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee hadda shaqeeyaa, waxa ay ku guulaysteen qabashada doorashadii labaad ee Madaxtooyada Somaliland 26 June 2010 ee uu ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo oo Xisbiga KULMIYE oo uu Guddoomiye ka ahaa ka sharraxnaa iyo doorashadii muranka iyo iska-hor-imaadka dhalisay ee Golayaasha Deegaanka oo qabsoontay 29 October 2012-kii, ahaydna doorashadii labaad ee Golayaasha Deegaanka Somaliland lagu soo doorto.
Illaa hadda ma cadda waxa ay qoonsadeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ee ay wakhtigan ku dalbanayaan in la kordhiyo toddobada Xubnood ee Guddiga doorashada, isla markaana lagu sameeyo wax ka beddel hannaankii hore ee loo magacaabi jiray oo tirada ugu badan uu Madaxweynuhu magacaabi jiray, labada Xisbi Mucaaridna hal hal xubin, halka Guurtiduna laba xubnood ka soo xuli jireen, taasoo ay Masuuliyiinta UCID iyo WADDANI dalbadeen in loo beddelo inay si siman u soo magacaabaan Xisbiyadu. Sidoo kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn in Guddigani soo noqon doono iyo in Guddiga iyaga beddeli lahayd 24 October 2014 la magacaabi doono toona.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment