Wednesday, June 18, 2014

Wasiir Waran-cadde oo soo bandhigay go’aamo adag oo ka soo baxay Shirweyne nabadda iyo is-dhex-galka Bulshada lagaga hadlayey

                     

“Waxa la isla qaatay in cid kasta oo Hub kala hor-timaadda Ciidammada Amnigu iyagoo fulinaya hawlgal sharci ah ee ku waxyeellooba ama ku dhintaa inaanu haba-yaraatee wax magdhaw ah lahayn, cid loo raacayaana aanay jirin.” Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland

 

Hargeysa, 18 June, 2014 (Himilo)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa soo bandhigay siddedd qodob oo kala ah shan go’aan ah iyo saddex qodob oo soo jeedin ah oo ka soo baxay Shirweynihii labaad ee lagaga hadlo horumarka nabadda iyo is-dhex-galka Bulshada Somaliland oo toddobaadkan lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shirkan lagu qabtay magaalada Burco lagu qabtay oo ay ka qaybgaleen Salaaddiinta, Cuqaasha, Ganacsatada, Ururrada Bulshada iyo Guddoomiyeyaasha lix gobol oo shirkaas loo qabtay ee Togdheer, Sool, Sanaag, Saaxil, Saraar iyo Gebilay oo uu Wasiirku furay bilawgii toddobaadkan, isla markaana ay kala qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidammada Booliska, Laanta Socdaalka, Ilaalada Xeebaha iyo Saraakiil ka socda laamaha ammaanka.

warancade-Xafladii-151Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu Warbaahinta u soo bandhigay qodobbada laga soo saaray gebo-gabadii Shirkaas, kuwaasoo ay ka mid yihiin sida uu sheegay in Gacan-ku-dhiiglayaasha dilka ku xukuman ee Xabsiyada dalka ku jira in lagu fuliyo qisaasta ay ku xukuman yihiin kuwa heshiiskooda iyo hawlohoodu dhammaadeen, in qofka Ciidan hawlgal ku jira kala hor-yimaadda hub ee la dilo ama ay waxyeelleeyaan Ciidanku mag-dhaw laga bixin iyo kuwo kale.

Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo arrimahaas faahfaahinayaana waxa uu yidhi; “Falanqayn dheer ka bacdi oo shirkaa la isugu yimi Cuqaasha, Salaaddiinta iyo Ururrada Bulshada oo laga soo xulay dhammaan gobolladaas, waxa ka soo baxay go’aammo wax-ku-ool ah, ka dib markii dood dheer laga galay. Qodobbada la isla qaatay in dalkan laga fuliyo si ammaanka loo adkeeyo oo dhidibka loogu aaso waxaa ka mid ah:-

1-In dadka wax dilay ee aan lagu heshiin in diyo (Mag) la kala qaato la mariyo qisaasta sharciga ah.

2- In la fuliyo go’aammada Garsoorka iyo Maxkamadaha ee fulinta sugaya ee taagan maanta.

3- In aan garab la siin dembiilaha wax dila ee caadaystay in markuu waxyeelleeyo qof islaam ah dabadeedna uu beel dabada geliyo, ayaa waxa lagu heshiiyey inaan dembiilahaa wax gacan ah oo la siiiyaa jirin, lana qarinnin.

4-  In cid kasta oo Hub kala hor-timaadda Ciidammada Amniga iyagoo fulinaya hawlgal sharci ah ee ku waxyeellooba ama ku dhinta inaanu haba-yaraatee wax magdhaw ah aanu lahayn, cid loo raacayaana aanay jirin waxyeellada soo gaadhay dembiilahaa hubaysan.

5-  In ciddii gacan-siisa gacan-ku-dhiiglaha ama dembiilaha iyo cid kasta oo sharciga ka hor-timaadda uu la mid yahay ruuxii fal-dembiyeedka geystay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Waxaanu Wasiir Waran-cadde oo hadalkiisa sii watay shirkaa jaraa’id ka akhriyey dhawr qodob oo kale oo iyagana shirkaas laga soo jeediyey oo uu xusay in la isla-qaatay laftooda, waxaanu yidhi; “Shantaa qodob waa qodobbadii la isku raacay. Waxa raaca soo jeedin ay soo jeediyeen Madaxda Dhaqanka iyo ka qaybgalayaasha Shirweynaha ka qaybgalay, waxaana laga gaadhay iyagana qodobbadan soo socda.

1- In la dardar-geliyo sugidda ammaanka iyo wax-ka-qabadka baahiyaha ka jira gobollada Sool iyo Sanaag.

2- In la tayeeyo, tabobbar-na la siiyo Ciidammada Amniga, si loo helo Caddaalad sugan iyo Ciidan tayo leh.

3- In lagu fuliyo Gacan-ku-dhiigleyaasha ku xukuman dilka ee ku xidhan Jeelasha ee arrimohoodu dhammaadeen, taasoo wax wayn ka taraysa amniga. Taasna waxa la soo jeediyey oo la isla qaatay in ninkii dembiile ah ee dadkii uu wax ka dilay iyo ehelkii dembiiluhu ay ku heshiiyeen waa halkeeda, kiise lagu heshiiyo inaan mag laga qaadan ee la dilo in qisaastii Illaahay u jideeyey la qisaaso oo aanu Jeelasha iskaga jirin.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu sheegay inuu u mahad-celinayo Salaaddiinta, Cuqaasha, Odayaasha, Ganacsatada, Masuuliyiinta gobollada iyo ka qayb-galayaashii kale ee shirkaas, oo uu xusay inuu ugu mahad-celinayo sida quruxda badan ee ay wada-jirka isugula qaateen go’aannada kor ku xusan ee ka soo baxay shirkaas.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment