Friday, June 6, 2014

Xubno La Sheegay Inay Xidhiidh Dhaw La Leeyihiin Kooxaha Shabaabka Oo Ethiopia Saaka Lagu Qabqabtay

Addis Ababa: (Caasimada Online)-Sida ay saaka Qortay Wakaallada Wararka Faafisa ee AFP,  waxa Maanta Ciidamada ammaanka Magaal ee Dalka Ethiopia ay gacanta ku dhigeen Tiro dad  ah oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la lahaayeen Kooxaha Shabaabka.

adiaTirada dadka saaka la qabqabtay ayaa lagu sheegay ugu yaraan 15-qof, waxana dhamaantood loo dhaadhiciyey goobaha dambiyada lagu  baadho.

Shameless Kamlis oo ah Afhayeenka xukuumadda Ethiopia, u sheegay AFP in la qabtay dadkan iyagoo rabay in ay falal ammaan dari ah ka geystaan magaalada Jeema oo 350-km dhinaca koonfur Kaga beegan caasimada Addis Ababa.

Waxa uu sheegay oo kale in ammaanka dalka oo dhan aad loo ilaaliyaya wixii ka dambeeyay markii qaraxyo ay ka dhaceen caasimada Jabuuti bishii horre.

Dadka la qabtay ayaa qaar badan la sheegay in ay si toos ah xidhiidh ula leeyihiin Al-Shabaabka Soomaaliya oo  muddooyinkii ugu dambeeyey weeraro ku qaaday waddamada ay ciidamadoodu joogaan somalia.

Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya kuwaasoo gacan siinaya dowladda fedaraalka oo itaalkeeda uu liito.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment