Friday, June 6, 2014

Cabdallah Cabdallah Oo Dirqi Kaga Badbaaday Weerar Ismiidaamin ah Oo Lala Beegsaday

Kabul:June,06,2014(Himilo)-Waxa maanta faro ciddiyahood kaga Badbaaday  Weerar ismiidaamin ah Musharraxa Ugu Cad-cad Tartanka loogu jiro Doorashooyinka Madaxweynimo ee Dalka Afghanistaan ee Cabdalla cabdalla.

abduCabdalla Cabdalla ayaa xilliga weerarka lagu qaaday waxa uu ku jirey Ololihiisa Doorasho ee uu ku doonayo inuu madax ugu noqda Dalka Afghanistaan oo uu muddo badan gacanta ku soo hayey Madaxweyne Xamud karasai.

Cabdullah Cabdullah oo hore wasiirka Arrimaha dibada uga soo noqday dowlada Afghanistaan ayaa ah murashaxa ugu horeeya doorashada Madaxweynaha Afghanistaan oo wareegeeda labaad la qabanayo badhtamaha bishan.

 

Cabdullah Cabdullah ayaa xiliga la weeraray kasoo baxay goob ay isugu soo baxeen taageerayaashiisa magaalada caasimada ah ee Kabul, waxaana goobtaasi ka dhacay laba qarax oo waaweyn oo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof. Sidoo kale illaalada murashaxa qaar kamid ah ayey waxyeelo kasoo gaadhay qaraxyadan.

Cabdalla Cabdalla ayaa la aaminsan yahay inuu yahay nin ay si weyn iskugu dhaw yihiin dawladda Maraykanka, waxana  uu haatan helaa Taageero buuxda oo dalkaas uga timaadda, waxana saadaashu sheegaysaa inuu ku guulaysan doono Doorashooyinka Dhawaan dhici doona oo ah wareeggii labaad.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment