
Masuulyiinta Dawladda Hoose oo ay weheliyaan Ciidamo bilays ah oo kaashanaya cagaf-yo lagu bineeynayey waddada isla markaana taageero ka helaya Guddiga Horumarinta Xaafadda Goljanno oo kala qayb-qaadatay, waxa ay hawl-galkooda bilaabeen subaxnimadii hore ee shalay, iyaga oo baabiiyey dhismeyaal macmal ah iyo deyrar cidhiidhi ku hayey waddada.
Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo bilowgii hawl-galka ee shalay faahfaahin ka bixinayey dhismaha waddada, waxa hadalkii ka mid ahaa, “Hore waxa loo odhan jiray Goljano waddo looma samayn karo ee waxaanu doonaynaa in Goljano wadadii kowaad u samayno, wadadaasi ay ka soo bilaabanto Akadamiga agteedda soona dhexmarto xisbiga dhexdiisa, ilaa Cabaaye mari doonta kuna xidhmi doonta Xaafadda Daami, Wadadda Goljano waxa ku yaalay Dayrar sharci daro ah iyo Sandaqaddo kuwaas oo markii loo digay laga dumiyey,” ayuu yidhi Md Soltelco.
Maayirku waxa uu sheegay in wadadani tahay laba kilomitir iyo siyaado taas oo lagu dhisayo mashruuca dawladaha hoose ee JPLG-ga looyaqaan kaasi oo ku bixi doonta kharash ah laba boqol iyo dheeraad Dollar.
Waxaanu intaas ku daray “Run ahaantii waxaan leeyahay todoba cisho ee Ramadaan ka hadhay ayaa ka hadhay Dayrarka sharci darada ah iyo Sandaqaddaha wadooyinka lagu dhisay, xaafadda aanu doono ayaanu ka bilaabaynaa ee yaan hadhow la odhan layma sheegin, waana joogteyn doonnaa”.
Dhinaca kale, Shacabka ku dhaqan xaafadda oo aan hore u lahayn waddo laami ah isla markaana cidhiidhi iyo wado-la’aanta awgeed mararka qaarkood ay adkeyd in meyd laga saaro, ayaa soo dhoweeyey hirgelinta waddada Cusub, waxaanay si weyn uga mahad-celiyeen dawladda hoose hirgelinta waddadan.
Si kastaba ha ahaatee, golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ku guulaystay inay waddadii ugu horeysay ka hirgaliyaan xaafadda GOLJANO oo aan hore looga hirgelin waddo laami, mana jiraan wax khasaare oo ka dhashay hawl-galka binneynta ee dawladda Hoose shalay fulisay, maadaama oo wakhtiyadii hore hawl-gallada noocan ahi sababi jireen Isku-dhacyo dhex mari jiray dadka iyo ciidamada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment