
Guddoomiyaha Lamu Njenga Miiri oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay hadda ku jiraan baadi goobka dad qaba dhaawacyo oo la la’yahay sida uu sheegay.
Dhanka kale Sh, C/casiis Abu Muscab oo Al-Shabab u hadla marka ay weerar geystaan oo la ka hadlay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka Lamu ka dhacay.
Abu Muscab waxaa uu sheegay in qorshaha ay ka lahaayeen uu ahaa inay dawlada Kenya uga jawaabaan ciidamada tirada badan ee ay gobolkaasi geysay.
“Dawlada Kenya waxay sheegtay inay saldhigyadeenii bur buriyeen taasna waxaa beeninaya weerarka aanu geysanay” ayuu Abuu Muscab yidhi.
In ku dhaw 100 ruux ayay Al-Shabab ku dileen dalka Kenya tan iyo bishii hore ee June, waxana sii kordhaya baqdinta shacabka ku timi, iyadoo inta Badan deegaanada Xeebta ay dadku si weyn uga qaxayaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment