“Mushkiladda inna haysataa waxa weeye, dhaqaalahayaga oo aan noo saamaxaynin meelkasta ama gobol kasta inaannu Baabuur ku yeelanno, isla markaana Shaqaale u heegan ah oo Baabuurkii iyo Shidaalki heegan u yihiin aanay jirin.” - Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Samatar
Hargeysa, 20 July, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa qiratay, isla markaana shaaca ka qaadday in Ugaadha Sharci-darrada ah si kootarabaan iyo qarsoodi ah looga dhoofiyo Xeebaha dalkeeda qaar ka tirsan, hase-yeeshee, waxay ku doodday inay digniino hore ka soo saartay, immikana ku dedaalayso wax-qabashada ka Ganacsiga Ugaadha Sharci-darrada ah ee uu Harima-cadka ugu horreeyo, ka dib markii Warbixin ay London ka soo saareen Ururka caalamiga ah ee ilaalinta Duur-joogta Adduunka ee CITES, ku sheegay in Samaliland Marin muhiim ah u noqday Dhoofinta Ugaadha Sharci-darrada ah oo ay sheegeen in dalalka Khaliijka loo dhoofiyo.

“Horta way jirtaa in Duur-joogta iyo Harimo-cadkaba dee wuxuu ka tagaa Xeebeheenna qaar ka mid ah ayuu ka baxaa, haka baxee marka la soo qabsado waxa loo sii dhoofiyaa dalalkaa kale. Laakiin, innaga ka dawlad ahaan intan aynu xoogga saarnay ama baraaruggeennu batay maxaynu ka qabannay baa meesha taalla, taas ayaanay adduunyadu la soconnin ama aynu damacsannahay inaynu ka qabanno oo sii xoojinno.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland.
Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, waxay sheegtay inay Digniino adag hore uga soo saareen marar kala duwan, waxaanay tidhi; “Bishii September 2013-kii, Baaq baannu soo saarnay aannu ku joojinaynay wakhtigaasi inaan la dhoofin Karin Ugaadha, haddii lagu qabta qofkana in Maxkamad la soo taagayo, in la ganaaxayo iyo in la qasiraayo, baaqaasi in badan baannu ku celcelinaynay Warbaahinta. Immika Waraaqdaa aan gacanta ku hayo waxaannu soo saarnay sannadkan bishiisii saddexaad, aannu soo saarnee xoojin kale ayaannu ka dhignay oo ah dhawr iyo toban Hay’adood oo illaa Og Madaxweynuhu ku jiro oo aannu leenahay kuna celcelinayno waa Sharci-darro dhoofinta Ugaadhu, ciddii lagu qabtaana ciqaab bay mudanayaan, sidaa daraaddeed-na wax laga qabto.”
Wasiir Shugri Baandare waxay ku doodday inay hoosayso awoodda dhaqaale ee ay ahayd inay ku wada-gaadhaan guud ahaan deegaannada kala duwan ee dalka Somaliland si wax looga qabto dhibaatada Tahriibinta Duur-joogta, waxaanay tidhi; “Mushkiladda haddaba immika inna haysataa waxa weeye, kollay dhaqaalahayaga oo aan noo saamaxaynin meelkasta ama gobol kasta inaannu Baabuur ku yeelanno, isla markaana Shaqaale u heegan ah oo Baabuurkii iyo Shidaalki heegan u yihiin aanay jirin.”
Wasiirku waxay sheegtay inay Waaxdaas Kormeerka iyo ilaalinta Duur-joogta ay Wasaaradda Deegaanku leedahay, hase-yeeshee, ay hadda dib-u-habayn iyo dardar-gelin ku samaynayaan, kana shaqaysiinayaan si ay guud ahaan waajibaadkeeda uga gudato Waaxdaas Wasaaraddooda ka tirsani, isla markaana isku-beddel dhinaca shaqaalaha ah ay ku sameeyeen.
“Laashashkaas ayaa inta badan dhibaato nagu haya oo ay dadka Ugaadha Kootarabaaniyaa ay saaraan oo ay u adeegsadaan, Baabuur bay iska leeyihiin inta badan iyo Shaqaale isku wada xidhan oo markay magaalo soo galayaan, wakhtigay soo galayaan, halkay ku sii dejinayaan, halkay ku sii nasinayaan iyo waxaas oo dhan si aan muuqan ugu diyaariya.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Waxaanay Wasiir Shugri intaas ku sii dartay oo ay tidhi; “Laakiin, wakhtigan oo kale waxa laga yaabaa inay yaraadaan oo ay Baddu u saamixi waydo oo Baddu kacsan tahay oo ay tahay wakhti xagaa ah. Laakiin, wakhtiyada ugu badani waxa weeye September illaa May inta u dhaxaysa ayay shaqada bilaabaan oo aad moodaysaa inay xooggan yihiin.”
Wasiirka Deegaanka Somaliland waxay sheegtay inay shalay ahaan arrintaas Masuuliyiinta dawladdu kaga wadahadleen Madaxtooyada oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha la socodsiisay, waxaanay tidhi; “Saaka (Shalay) halkan waxa noogu yimi qolo ka socda Xeebaha oo iyagu hawl kale u socday, annaga laftayada cabashooyinkayagu way gaadheen, yidhina; ‘Immika si weyn baannu idiinkala shaqaynaynaa, waayo Laashash cusub baa naloo keenay bay yidhaahdeen’.”
“Waxa kale oo runtii jiray toddobaadkan immika inna dhaafay Madaxweyne Ku-xigeenku wuu dareensan yahay, saakana (shalay) waa laga wadahadlayey, in la isugu yimaaddo Guddiga nabadgelyada oo ay ku jiraan Janannada Ciidammadu, oo bal waxan Jaraa’idku qorayaan ee caalamka oo dhami qorayaan bal sidii qorshe adag oo labaad mid baynu kalahayne mid labaad oo adagna loogu sii xoojin lahaa.” Sidaa ayay tidhi Wasiir Shugri oo sii wadatay hadalkeeda.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Boondare, waxay sheegtay inay dhibaatadan qayb ka tahay fahan la’aanta Bulshada reer Somaliland, waxaanay tidhi; “Waxa weeye horta, dadkeennu ma fahamsan yihiin inay Duur-joogtu tahay Khayraadka dalka? Dadkeennu hadday fahamsan yihiin inay Duur-joogtu ka mid tahay Khayraadka waddanka, waxa imanaysa inay wax nagala qabtaan, oo Kii Tuugga ahaa wax nagala qabtaan, oo kii dhoofinayey wax nagala qabtaan oo Yemenigii qaadanayey wax nagala qabtaan. Laakiin, dhibta jirtaa waxa weeeye dadkeennu ma fahamsana.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment