
Hadaynu soo qaadano ragu marka ay la kulmaan gabadh soo jiidasho leh waxaa ay inta badan isku dayaan in ay tusaan gabadhan ama ay ka dhaadhicyaan fikirkiisa iyo waxyaalaha uu kaga duwan yahay raga kale ee isaga khaaska u ah isla markaana waxay buun buuniyaan oo saaidiyaan nooca ay tahay shakhisyadiisa si uu uga helo soo jiidasho ama ogolaansho ku salaysan ku qanac ah, halka dumarkuna ay sameeyaan xeelado kala duwan si dabinka ay la maagantahay u gu rido shaqsiga soo jiitay ee ay ka heshay, inta badana waxaa ay sameeyaan inay ninka tusaan quruxda jidhkeeda iyo meelaha kale ee ay ka qurux badantahay, iyadoo iska ilaalinaysa inay kula hadasho hadalo ninka dareesiin kara in uu ka boodo amaba ka hoos qaadi waayo.
Mr.Juan David Leongomez waxaa uu sheegay inay ogaadeen in inta badan raga iyo dumarka ay ka been sheegaan shakhsiyadooda iyo dabeecadooda, laakiin kaliya ay u sameeyaan si ay ugu qanciyaan qofka uu ka helay ama ay ka heshay, cilmi baadhistanina waxy hoosta ka xariiqday in dabeecadahaa iyo hadaladaa laga been sheegayaa ay fashilmaan marka ay labada qof si dhaba isu bartaan oo ay waayo wado qaataan, waxaana ay sheegeen in ay qayb muhiima ka qaadato marka labada qof isa soo hor fadhiistaan in la isticmaalo nooca hadalka aan tooska ahayn ee Xubnaha Jidhka laga dareemo, waxaana ka mida in la ga wada hadlo wajiga, indhaha iyo madaxaba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment