Sunday, July 20, 2014

Kooxda ISIS oo saddex Arrin midkood kala dooransiiyey Kiristaanka ku dhaqanka Qaybo ka mid ah Ciraaq

Mosul, 20 July, 2014 (Himilo)- Kooxda Islaamiyiinta ee gacanta ku haysa magaalooyinka Woqooyiga iyo Galbeedka dalka  Ciraaq, ayaa bulshada Diinta Kiritanka Aaminsan ee ku dhaqan magaalada Mosul u soo bandhigay inay kala doortaan saddex Qodob kala dooransiiyey saddex Arrin oo inay ku dhaqmaan la doonayo.

ciraaqKooxda lagu magacaabo ISIS oo gacanta ku dhigay magaalada Mosul dhowaan, ayaa dadka Kiritaanka ah ku wargeliyey inay u hoggaansamaan saddex qodob ay ka mid yihiin inay qaataan diinta islaamka, cashuur ay bixiyaan  iyo inay isaga guuraan magaalada.

Sida ay baahisay wakaaladda Wararka ee AP oo aanu warkan ka soo xiganney, go’aanka ay kooxda ISIS u jeedisay bulshada Kiristanka ah eek u dhaqan Mosul oo ku ekaa xalay, waxa ay qabo badan oo ka mid ah dadkaasi kaga jawaab-celiyeen isla markaana ay qaateen qodobka saddexaad ee shuruudaha lagu xidhay iyaga oo hayaamay magaalooyin ku dhow ee aan gacanta ugu jirin kooxda Islaamiyiinta ah.

Inta badan kiristaanka degenaa magaalada Mosul oo lagu qiyaasay ilaa 25 kun, ayaa la sheegay inay ka qaxeen halkaa ka dib markii kooxaha islaamiyiintu qabsadeen magaalada Mosul horaantii bishii hore.

“Haddii ay Kiristaanku saddexdaa fursadood kala dooran waayaan, marka wakhtigu dhamaado, waxay sugaan waa seef,” sidaa waxa lagu sheegay Wargelin ka soo baxday kooxda ISIS.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment