Sunday, July 20, 2014

Xoghayihii Arrimaha Siyaasadda Xisbiga UCID Oo Xilkiisii Ku Waayey Eedaymo Uu UJeediyey Madaxweynaha Djibouti

Hargaysa:July,20,2014(Himilo)-Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Ucid, ayaa Xil-ka-qaadis ku sameeyey Xogyahoodii Siyaasadda Dibadda Yuusuf Budle.

budleXogyhaye Yuusuf Budle ayaa xilka-qaadistiisa Lagu sababeeyey Hadallo ka dhan ah Xukuumadda Djobuti oo uu dhawaan saxaafadda siiyey, waxana uu xisbigu tilmaamay inaan qoraaladaasi ahayn qaar la isku ogaa.

Warsaxaafadedka uu xisbigu xilka kaga qaaday xoghayihii siyaasadda Yuusuf Budle  oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbigaas Cali Gurey ayaa u dhignaa sidatan:

Ujeedo: Xil Ka Qaadis

Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 18/07/2014  waxa xilkii uu u hayay xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Dibadda laga qaaday Mr Yusuf Budle ka dib markii uu si habsami ah u gudan kari waayay isla markaana si toos ah uga hor yimi siyaasadda xisbiga uu ku wajahan arimaha dibadda gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka oo xisbigu aaminsan yahay in mar walba uu noqdo mid wanaagsan oo ku dhisan iskaashi,is ixtiraam, iyo nabad kuwada noolaansho, si loo xaqiijin karo deris wanaag

 

Xisbiga UCID wuxu cadaynayaa hadalo dhawaan ka soo yeedhay Yusuf kuna eedaynayay dawladda Djibouti iyo madaxwayne Ismaciil Cumar Geele aanu ku metelaynin haba yaraato eh xisbiga balse ay isaga uun ku koobnayd.

 

Ugu dambaystii xisbiga UCID wuxu raaligelin ka bixinayaa wixii deelqaaf, xadgudub, af legaado iyo farogelin arimaha gudaha ee Djibouti ah ee ka soo yeedhay Yusuf Budle isagoo ah masuul UCID.

 

Mahad Ilaahay Baa Leh, Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiye/xigeenka 3aad

 

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment