
Xafladda guurka lamaanahan ayaan ahayn mid fudud, waxase ay ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay ka soo qayb galeen Marti sharaf kala duwani.
Wiilka waxaa la yidhaahdaa Saneie Masilela waxaana loo aqoonsaday qofka ugu da’da yar ee dunnida guur gala taariikhda inta la xasuusto.
Iyagoo ku labisan dharka arooska ayay soo dhex galeen dad badan oo ka qeyb galayay xafladooda arooska oo ka dhacaysay meel teendho ka dhisneyd oo meherkoodu inuu ka dhaco loogu talo galay.
Haweeneyda la guursaday ee 62 sanno jirka ah oo la yidhaahdo Helen Shabangu ayaa hore u dhashay 5 caruur ah oo kan ugu yar uu 28 sanno jir yahay.
Saygeedii hore Alfred Shabangu, oo 66 sano jir ah goob joogna ka ahaa xaflada ay wiilka yar ku guursatay ayaa sheegay in isaga iyo caruurtiisuba ay ku faraxsan yihiin guurka ay gashay isla markaana ayba wanaag u arkaan.
Ehelada labada dhinac ayaa xafladda guurka ka qeyb galay waxaana wargeyska The Mirror oo xogtan wax ka qoray uu leeyahay haweyneyda ayaa qoyska wiilka siisay lacag u dhiganta 500 bound halka xaflada guurkana ay ku bixisay 1,000 lacagta Ingiriiska ah.
Wiilka yar oo hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay nolosha cusub ee uu galay haweeneydan oo uu jaceyl dartiis u guursaday waxaana uu intaa ku daray inuu sii wadan doono waxbarashadiisa marka uu waynaadana uu guursan doono marka uu waynaado haweeney isaga la da’a ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment