
Dadkan ayaa laga soo kala xidhay Magaalooyinka kala duwan ee dalka Angola, waxaana la isugu geeyay Magaalada Caasimada ah ee Luanda, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi.
Booliiska ayaa dadkan waxa ay ku haystaan qaarkood inay si sharcidaro ah kusoo galeen, dalka halka qaarkoodna lagu haysto inay wadeen ganacsi sharcidaro ah.
Maxamed Deeq Dhiblaawe oo ka tirsn ganacsatada Soomaalida ee dalka Angola, ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ku aadan sidii Soomaalidaasi loosii deyn lahaa.
Isaga oo u waramayay Raadio Barkulan, ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in dalka Angola ay degan yihiin Soomaali badan oo dalkaasi ku ganacsata, isla-markaana aanay jirin safaaradda soomaalida uga furan halkaaasi.
Wuxuu carrabaabay in jaaliyad ahaan ay ku dadaalaan sidii Soomaalida ku cusub dalka ay ugu caawin lahaayeen dal ku-joogga si aanay dhibaato ugula kulmin laamaha ammaanka.
Dadka Soomaalida oo dalalka Afrika meelo kamid ah ganacsi baaxad weyn ku leh ayaa tacadi iyo dhibaatooyin kala duwan kala kulma dalalka ay ku sugan yihiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment