Thursday, August 21, 2014

Obama Oo Ka Hadlay Gawracii Daacish u Geysatay Wariyaha Reer Maraykan ee muddada u Af duubnaa

Washington:Aug,21,2014(Himilo)-Barack Obama ayaa sheegay in dilka wariyihii Mareykanka ahaa James Foley ee la gowracay ay ka Naxeen dhammaanba dadka caalamka ku Nool oo dhami.

OBAMAMadaxweyne Obama ayaa tallaabada kooxda Ciraaq ka dagaallanta ee Daacish ku gawraceen Wariye James Foley ku tilmaamay Ficil aad u xumaa oo argagax lahaa.

Obama ayaa sheegay in aanay jirin diin aqbaleysa ficilka dilkaas ee gowraca ah, isagoo xusay in dunida oo dhan ay si gaar ah u taabatay dilkaas.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mareykanka uu isku dayay weerar milateri uu ku soo furan lahaa Laba Wariye Mareykan ahaa oo lagu qafaashay Suuriya, balse isku daygaas uu fashilmay

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dalkiisa uu sii wadayo dadaalo kasta oo lagu difaacayo dadka Mareykanka ah, isagoo uga tacsiyadeeyay ehelada wariyaha la gowracay.

Kooxda ISIS, ayaa la sheegtay in weerarkan uu ahaa kii u horeeyay ee ay ku soo qaado Mareykanka, sida ay jaraa’idaha caalamka qorayaan, waana dil loogu jawaabayo weerarka milateri ee uu Mareykanka ka wado Waqooyiga Ciraaq.

Dhinaca kale Faransiiska ayaa sheegay in shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay ku jirto Iiraan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada ka dhanka ah Khilaafada Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment