
“Arrinta Somaliland runtii waxan odhan karaa arrin ka culus weeeye hadda dawlad-goboleedyada iyo qaabku sida uu u socdo, waana kala duwan tahay” ayuu yidhi Ridwaan, waxana uu intaas ku daray inuu dareensan yahay in wada Hadalkii gaabis weyni ku yimi,
“Wada hadalka Somaliland ay xukuumadda Federalka Somalia kula jirto waxan aaminsanahay xawligii loo baahnaa inaanu ku socon, waxan qabnaa inaan dardar gelino, hawshaasna inaan u dejin doono qorshe cad oo la doonayo in dadka walaalaha inay ku wada Hadlaan oo ay ku xaqiijiiyaan hadafka iyo danta la leeyahay, waxana aanu qabaa arrintaasi waa Hawl gaar ah.”
Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka Dhinaca Diinta u qaabilsa Somalia ayaa muujinaya inay Somalia xiiso gaar ah u qabto wada Hadal ay la gasho Somaliland, iyadoo haatan Dawladda Federalka Somalia laga rabo inay Dalka ka hirgeliso Doorashooyin marka la gaadho Sanadka 2016-ka, taas oo ay doonayso ku talo gal ka yeelato Somaliland.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment