
Guddoomiyaha hay’adda, Mohamed Fazul ayaa qiray in qaadka ay ku jiraan laba maaddo oo maandooriye ah oo si weyn u saameeya maskaxda qofka, isagoo xusay in waqtiga isticmaalka qaadka la yareyn doono.
Afhayeenka guddiga ganacsatada qaadka, Kimanthi Munjuri ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in la xakameeyo waqtiga isticmaalka qaadka, wuxuuna sabab uga dhigay in qaadka laga joojiyay dalka Ingiriiska, iyadoo dadka ku nool ee Soomaalida ah ay si xad-dhaaf ah u isticmaali jireen iyo inaan loo sameyn isticmaalkiisa waqti go’an.
Sidoo kale, Munjuri ayaa sheegay in dadka isticmaala qaadka ay intooda badan waqti badan ku bixiyaan cunistiisa, isagoo intaas raaciyay in dadkaas qaarkood ay qaadka la isticmaalaan maandooriyayaal kale sida xashiishiida.
Xildhibaan Omar Mwinyi oo ka tirsan baarlmaanka Kenya ayaa isna sheegay in go’aanka hay’adda ee la dagaalanka maandooriyaha qaadka aanu ahayn mid ku filan ka hor-tagidda dhibaatada qaadka, isagoo soo jeediyey in gabi ahaanba la mamnuuco.
Dhanka kale, mudanahan ayaa xusay in qaadka uu burburiyay qoysas badan oo muslimiin ah, dhibaato xoogganna uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed iyo muslimiinta fara badan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment