Thursday, August 21, 2014

Toban Arrimood Oo Ka Mid Ah Dabeecadaha iyo Qaab-nololeedka Libaaxa

Libaaxa oo lagu tiriyo inuu yahay xayawaanka ugu awooda badan xayawaanada, inta badana astaan u ah awood iyo maamul baqasho leh ayaa waxa uu noqday inay dadku u aqoonsadaan inuu ka mid yahay xayawaanada ugu halista badan ee cabsidiisu aadka u sareyso
Haddaba wax ka baro toban qaab oo la yaab leh oo ka mid ah qaab-nololeedka iyo dabeecadaha kala duwan ee uu libaaxu u nool yahay lab iyo dhigiisuba.
1. Waxa la xaqiijiyay in libaaxu maalintii ugu yaraan uu hurdo seexdo 20 saacadood oo xidhiidh ah, taasina waxay keentay inuu ka mid noqdo xayawaanada hurdada seexda sida bini’aadamka oo kale iyada oo qaabka uu u seexanayaana ay ku jirto ama ka muuqato qaab ay ku jirto kalsooni badan.
2.libaaxu waxa uu awood u leeyahay inuu ka maqlo codka xayawaanka ama waxyaabaha kale ee uu ugaadhsanayo codkooda cabir aan ka yarayn 1km iyo badh, taasina waxay u suurta galisaa in waxyaabaha uu ugaadhsanayo uu si fudud ku heli karo kii oo masaafo dheer u jira
3.Waxa lagu qiyaasay awooda iyo quwada libaaxa lab(Aar) cabir gaadhaya 250kg,halka awooda iyo quwada libaaxa dhadig(Gool) lagu cabiray 180Kg,taas oo muujinaysa awooda uu u leeyahay inuu iskaga caabiyo xayawaanada kale iyo xataa bini’aadamkaba.
4.libaaxa noociisa labka ah (Aar) waxa ku badan dhogorta marka loo eego libaaxa dhadig taasna waxa ugu wacan maadama oo libaaxa labka ahi uu yahay mid inta badan dagaal iyo hujuum adag waajaha waxa lagu qalabeeyay dhogorta si ay u noqoto mid difaac iyo ka hortaga uga noqota khatarta lasoo darsi karta xilliyada uu ugaadhsiga iyo dagaalka ku jiro.
5. Aragtida Libaaxu waxay 5 jeer ka saraysaa ama ay ka dheer tahay marka la barbar dhigo ee loo eego aragtida bini’aadamka, taasina waa ta u suurta galisa inta badan inuu meel dheer ka arki karo ugaadhsigiisa.
6.Cida ama dhawaaqa libaaxu waxay awood ahaan gaadhi kartaa in ka badan 5 mile,waxaana awooda dhawaaqaas uu yahay mid xoog badan oo meel fog laga dareemi karo,waxa sidoo kale ay wargalin u noqotaa libaaxyada kale ee agagaarkaas ka dhaw oo si haboon u maqla.
7.muddoda noolashaha ee libaaxa marka uu ku sugan yahay kaymaha iyo dhulka caadiga ah waxa lagu qiyaasa 10-14 sano,halka marka beeraha xanaanada ee kuwa xayawaanka ah lagu ilaaliyana lagu qiyaaso inuu noolan karo muddo 20 sano ah, taas oo kor u qaadaysa xanaanada iyo ilaalin joogta ah oo uu helo.
8. inta ugu badan hawsha uu qabto libaaxa labka ahi waxay u badan tahay difaac iyo dagaal waajaho, halka libaaxa dhadiga ahi(gool) ay inta badan hawsha ay qabataa ay ugaadhsi u qadhaabasho u badan tahay, waxa iyana ka mida oo yaab leh in libaaxa lab inta badan la hor cuno isaga laftiisa.
9.Libaaxyada waxa lagu tilmaama inay u noolyihiin hab wadar ah ama hab wada jir ah, taas oo aad uga duwan marka loo eego xayawaanaadka kale waxaana inta badan la arkaa in libaaxyadu ay meel isku mid ah ku nool yihin qoys ahaan oo kale iyagoo aad u shabaha bini’aadamka marka dhankan nolosha laga eego.
10.libaaxu wakhtiyadi hore waxa uu ahaa khatar nololeed oo aad looga cabsado loogana baqo hadase waxa uu isku badalay qaab hanjabaad ah oo kale, waxaana aad u yaraatay baqashadii iyo cabsidi badnayd ee laga qabay taas oo keentay inay timaado saaxibtinimo iyo wada noolaansho dhex mara libaax aiyo bini’aadamka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment