
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo dhiggiisa Djibouti wefti uu hoggaaminayo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha, ayaa sheegay wada-shaqayni iyo xidhiidh dhinaca wax-qabadka ahi ka dhexeeyo Maayarka Djibouti.
Maayarka Hargeysa oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, waxa uu yidhi, “Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Djibouti iyo ku xigeenka sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxaana hore u jirtay inaanu anagu hore u booqanay magaalada Djabouti halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labada magaalo u wada shaqayn lahaayeen, waxaanu socdaalkani ku beegan yahay carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay Djibouti ugu horaysay Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin inaad soo ajiibteen codsigayagii.”
Dhinaca kale, maayarka Caasimadda Djibouti Xuseen Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan ku nimid martiqaad aanu ka helnay maayarka caasimadda Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa aniga iyo waftiga aan horkacayo oo ka kooban koox hiddo iyo dhaqan ah iyo maal-qabeeno reer Jabuuti ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa maayarka Hargeysa iyo xukuumadda Somaliland.”
Duqa magaalada Jabuuti waxa uu ballan-qaaday, “Maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Anaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa ballan,” ayuu yidhi Maayarka magaalada Jabuuti.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment