Wednesday, August 20, 2014

Puntland Oo Iyadoo Wadata Xildhibaanadeedii Xamar Ka Joogay Soo Saartay Qoddobo Ka Dhan ah Dawladda Xasan Sheekh

Garowe:Aug,20,2014(Himilo)-Kulamo isdaba joog ahaa oo Magaalada Garowe uga socday Xubnaha Maamulkaas ugu jira Mudanayaasha Baarlamaanka Federalka ah iyo Madaxda sare ee Maamulka ayaa laga soo saaray Go’aam afar ah.

ceeleeKulan ayaa lagu sheegay mid looga wada Hadlayey sidii talo looga yeelan lahaa Xidhiidhka puntland iyo Dawladda Federalka ah oo dhawr goor wiiqmay iyo Maamulkaas oo go’aamo ku gaadhay inuu Hakiyo xidhiidhkiisa Xamar.

Maamul-goboleedka Puntland iyo xildhibaanadiisa ugu jira Golaha Shacababka Muqdisho ayaa ugu dambayntii soo saaray Qoddobaddan soo socda ee Afarta ah:

1. Maamulka Puntland iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen in tabashooyinka iyo eedaymaha Puntland ka tirsanayso Federaalka ay yihiin kuwo jira oo leh Caddaymo dhab ah.

2.Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka codsadeen Puntland in ay bixiso fursad wada hadal muddo 30 cisho gudahood ah, laga bilaabo 20/08/2014, Puntland Codsigaasi way oggolaatay waxaase sharci ah in wada hadalkaasi ay goob joog ka noqdaan beesha caalamku, maadaama heshiisyadii iyo wada hadalladii hore aaney waxba ka hirgalin.

3. Haddii fursadda wada hadallaasi lagu guul daraysto,waxna laga qaban waayo eedaymaha Puntland u soo jeedisay Dowladda Federaalka ah, Puntland waxay qaadanaysaa tallaabadii kale ee ku habboon ee dastuurkeedu u oggol yahay.

 

4.Ugu dambayntii Puntland iyo Xildhibaanadu waxay isla qaateen in Heshiiskii lagu saxeexay Muqdisho ee Maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ahaa mid xadgudub ku ah Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka ee kumeel-gaadhka ah, islamarkaasina horseedi kara xassilooni darro iyo colaad sokeeye.

Dhanka kale, Heshiiskani Qodobada laga soo saaray, ayaa waxa uu ka dambeeyay, kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu gabi ahaan Xildhibaanada ugu jira BDF ugu baaqay inay kusoo laabtan Magaalada Garoowe.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment